Muuse Biixi Oo U Jawaabay Madaxda Xisbiga Wadani, Bogaadina U Diray Xasan Ciise

0
467

 

dddHargeysa( Geeska )-Gudooomiyaha xisbiga talada Haya ee Kulmiye Mj.Muuse Biixi Cabdi, ayaa xukuumada Somaliya ugu baaqay inay Somaliland ay ahaadaan laba dal oo jaar ah, waxaanu qaramada midoobay iyo beesha caalamka uu sida oo kale ugu baaqay in aan mar labaad dadka reer Somaliland lagu layn hubkooda.

Gudoomiye Muuse Biixi waxa uu soo dhaweeyay qoraalkii gudoomiyaha ururka Xaqsoor Mj.Xasan Ciise Jaamac uu ku baajiyay in wax mudaharaado ah lagala  hor yimaado madaxweynaha, waxaanu ku eedeeyay xisbiga Wadani nuxurka shir jaraa’id oo ay masuulyiinteedo qabteen.

Muuse Biixi waxa uu arimahan oo dhan kaga hadlay xaflad xisbigoodu uu u qabtay ku soo biiritaanka urur siyaasadeedkii Dalsan,waxa uu ugu horayntii isaga oo la hadlaaya beesha caalamka iyo xukuumada Muqdisho uu yidhi“ Baryahan go’case ayaa inala hadla, waxa uu ina yidhaahdaa dawladii Xamar waa la aqoonsaday,turkigaa lacag siiyay, raysal wasaaraha Ingiriiska ayay la shireen, waxaan idiin sheegayaa inaga oo intan ka itaal daran oo aan isku dhamayn ayaa xamartaas oo aduunka oo dhan uu ictiraafsan yahay  oo maraakiib hub ah loo soo ra’ro allahii maalintaas inaga guulaysiiyay iyo awoodiisii iyo inaga oo kornay waynu ka adkaan, 1988-kii iyada oo Hargaysa dagaalku ka socdo markabkii ugu danbeeyay ee hubka siday Maraykanbaa lahaa,kii ku xigay ee hubka sidayna Liibiya ayaa lahayd, waxaanu cod dheer ugu sheegayanaa Ban Ki Moon golaha amaanka ee maanta ka shiraaya Xamar hub hala siiyo kii hore ayaa umadan lagu laayay ka maanta loo wado Xasan yaa huba in aanu umaddan dagaal ula imanayan mise caalamku waxa uu u badheedhayaa in mar labaad hubkiisa nalagu laayo, waxaanu ka taagnahay Xamar horena waa laydiin ictiraafay alle haydiin barakeeyo,lacagtiina hela alle haydiin barakeeyo,idinku heshiiya oo alle haydiin barakeeyo, laba qaran oo jaar ah ayaanu idiin haynaa waxii kale u yeedha Ingiriis iyo Maraykan oo waa inoo iyo garoonka.”

Mj.Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay hadalkii ka soo yeedhay Xasan Ciise Jaamac ee uu qurbo-jooga ku booriyay inaanay Madaxweynaha Somaliland London aanay kaga mudaharaadin, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Ta koowaad war-saxaafadeedka uu soo saary mujaahid Xasan Ciise Guddoomiyaha Xaqsoor oo uu kula hadlaayo qurbo jooga dibadda oo uu leeyahay wixii aanu tabanayno cadaaladda ayaan u maraynaaye’ mudaharaad yaynaan cadowga kaga farxinin oo uu qurbo jooga kula dardaarmaayo aad iyo aad ayaan u soo dhawaynaynaa. waa waayeelnimadii iyo bisaylkii siyaasadeed iyo lexo jecladii laga filaayay Xasan Ciise iyo Xaqsoor iyo inta taageertaba.”

Md. Muuse Biixi waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay eedo xukuumadda ay u jeediyeen Xisbiga WADDANI, waxaanu yidhi “Waxaan daadafaynaynaa qodobadii ka soo baxay shirkii jaraa’id oo uu qabtay xisbiga Waddani. Waxaan ku daadafaynaynaa wixii ay ka yidhaahdeen socdaalka madaxweynaha xisbiga Waddani oo ahaa shirkii jaraa’id ee mucaaridnimo ugu horeeyey ee ay qabtaan waxay yidhaahdeen ummadda Somaliland mugdi baa kaga jira oo garan mayno wuxuu madaxweynuhu u baxay, waxaan leenahay xisbiga Waddani madaxweynuhu wuxuu u baxay xilkii ummadda Somaliland u dooratay oo ah in qarankan  hawlihiisa wax uu ka soo qabto laakiin waxay u muuqataa in xisbiga Waddani u badheedhay inuu u sheego dowlada Mareykanka iyo Ingiriiska ee uu la shirayo Madaxweynahu annagu kuma kalsoonin hadaanu Wadani nahay nama Metalo erey ah ayuu dirayaa warkaa ay direen, taasina milgihii qaranimo maaha loogamana fadhiyin. Waxa dhacday barigii Cigaal madaxda ahaa waxaa jirtay mucaaridada la odhan jiray dib u habantii SNM oo qoor weyntii SNM iskugu tagtay Xasan Ciise ayaa guddoomiye ku meel gaadha noo ahaa, Cigaal baa qabtay Maraykanka waana markii u horaysay ee uu tagay dib u habayntii waxa ay isku khilaaftay oo ku kala tagtay rag baa yidhi aanu dirno fariimo Mareykanka iyo dawladaha uu sii marayo oo aan nidhaahno waxa uu wado kulama socono Madaxweynaha, Waxa markhaati ka ah Xasan Ciise guddoomiyaha Xaqsoor in aniga iyo rag kale aanu nidhi madaxweynaha dhabarka ka toogan mayno.”

Guddoomiye Muuse waxa uu ugu danbayntii yidhi “Waddani waxaanu u sheegaynaa Kulmiye iyo xukuumadiisa iyo dadka hogaamiya lagu tuhmi maayo Xamar, Waddani waxaan u sheegaynaa Kulmiye iyo xukuumadiisa midna ma yaqaano tilifoonka Maxkamadda sare ee Caydiid Ilka Xanaf oo habeenkii lama sheekaysano, Waddani waxaan u sheegaynaa Kulmiye iyo xukuumadiisa midina ma hayo telefoonka Ismaaciil Buubaa oo lama sheekaysano markaa xantaasi anaga nama qabato hana noqon layligii biyaha kashkiisa ku jira ka diday.”