Askari Ka Tirsan Ilaalada Baarlamaanka Oo Ay Xabadi Kaga Qaraxday Nin Shaqaale Ah

0
554

 

Picture1Hargaysa( Geeska )- Askari ka tirsan ilaalada xarunta baarlamaanka Somaliland, ayaa ay xabadi kaga qaraxday mid ka mid ah shaqaale hoosaadka golaha guurtida; sida ay sheegeen dad ku sugnaa goobtaas dhaawacu ka dhacay.

Ninkan dhaawacmay  ayaa la yidhaahdaa Cabdirisaaq Sheekh Jaaamc Saban, waxaana isla markiiba loola cararay  cisbitaalka guud ee magaalada Hargaysa halkaas oo lagaga daawaynaayay dhaawac ka soo gaadhay lugta.Waxaana askarigii dhaawaca gastay lagu xidhay xarunta danbi baadhista ee magaalada Hargaysa, isla markiibana waxa goobta soo gaadhay ciidamada danbi baadhista.

Dad ka ag dhawaa marka uu ninka dhaawacay ayaa sheegay in si kama ah ay xabadu uga qaraxday askariga oo markaas ay wada socdeen ninkan dhaawacmay, waxaanu askarigani sheegay in aanu ogayn in qorigiisu cabaysan yahay oo ay gacantu kaga dhacday.

Xarunta golaha wakiilada ayaa uu hubku mabnuuc ka yahay in gudaha la’la galo,  waxaana xildhibaanada, shaqaalaha iyo qof kasta oo xaruntaas gudaha u galaaya laga reebaa dhamaan waxa uu hub sito, inkasto oo askarta ilaalada ka ah golahaasi ay gudaha la galaan hubka ay ku waardiyeeyaan  afaafka hore ee xaruntaas, waxaana xusid mudan in wiilkan dhaawacmay ay xabadu ku dhacday isaga oo jooga afaafka hor ee xafiiska gudsoomiyaha golaha   guurtida.