Wasiir-xigeenka Macdanta Iyo Biyaha Oo Ka Hadlay Go’aan Ay Wada Qaateen Reer Badhan

0
4518

Picture3Badhan (Geeska) – Wasiir ku xigeenka Wasaarada Macdanta, Tamarta iyo biyaha Somaliland Cabdisalaan Maxamed Xassan oo safar ku jooga Magaalada Badhan ee bariga Gobolka Sanaag ee Somaliland, ayaa ka waramay sida ay deegaankaasi looga xusay 22 guurada Madax-banaanida Somaliland oo ku beegnayd 18-kii bishan May.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada macdanta iyo biyaha Somaliland oo xalay Geeska Afrika ugu waramay khadka Telefoonka isaga oo ku sugan Magaalada Badhan, ayaa sheegay in xuskii 18-kay Magaalada Badhan uu uga dhacay sidii ugu weynayd 22-kii sanadood ee Somaliland, ahaydna markii ugu horeysay ee uu reer Badhan kala qayb-galo masuul xukuumadda ka socdaa.

Wasiir Cabdisalaan Maxamed Xassan, waxa kale oo uu sheegay inay kulamo la yeesheen bulshada kala duwan ee ku dhaqan Magaalada Badhan iyo deegaanada ku xeeran isla-markaana ku qanciyeen inaan Puntland doorasho ka qaban Karin deegaankooda, isaga oo sidoo kalena sheegay inay u kuur-galeen xaaladaha ku gedaaman bulshada deegaankaasi.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Macdanta iyo biyaha Somaliland oo ugu horeyn faahfaahinaya sida Badhan looga xusay 18-ka May ayaa yidhi “Xuskii 18-may ayaan Badhan u imid, si fiican oo guul ah ayuu noogu dhamaaday oo aad iyo aad u sareysa oo aan hore loo arag, waxayna ahayd munaasibadii ugu horeysar 22-kaa sanadood ee masuul xukuumadda ka socdaa uu ka qayb-galo”

Wasiirku waxa kale oo uu soo qaaday “Markii xusku noo dhamaaday waxa aanu bilownay inaanu shirar la yeelano bulshada Badhan ku dhaqan iyo beelahaba, markaa waxaanu kala xaajoonaynay waatan la hadal hayo in Garoowe ay doorashooyin ka dhacayaan, markaa sidii la iskaga difaaci lahaa inaan doorashadaasi aanay uga dhici lahayn (Badhan iyo deegaanada ku xeeran) ee ay iskaga kaashan lahaayeen bulshada iyo dawladda Somaliland, runtiina dadka oo dhan waxaanu isla meel dhignayn in arinkaa meel looga soo wada jeedsado oo la iska baaciyo oo la iska fogeeyo, markaa waxa la isla gartay in aanay Puntland shuqulba ku lahayn oo aanay doorashada ka qaban Karin deegaankaasi, taasina guul-bay noo ahayd, waxa kale oo aanu soo marnay deegaano ku dhow-dhow Badhan, dadkana waxa laga dareemayey niyadsami iyo nayaayiro” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Safarkana waa kii labaad ee Badhan ku imaado muddo saddex bilood gudahood ah, markaa dadkii niyadsami ayaa gashay runtii iyo in dawladda iyo dadku isgaadhi karaan, dadkana marka aanu tuulooyinkooda ugu tagno waanu la fadhiisanaynay, siyaasada dawladda ayaanuna ku qancinaynay, markaa safar guul ah ayuu ahaa.

Ujeedaduna waxay ahayd inaanu dadka xog-ogaal duruufahooda xagga arimaha bulshada, sida waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha iyo nabadgalyada, intaasba waanu u kuur gallaynay, markaa safarkaasi safar faa’iido leh ayuu ahaa”

Wasiirka oo la waydiiyay in dadku soo jeedintooda ah inaan Puntland doorasho ka qaban Badhan ku qanceen ayaa ku jawaabay “Dadku boqolkiiba boqol ayay ku qanceen inaanay Puntland doorasho ka qaban deegaankaasi, dadkuna iyaga ayaa diyaar u ahaa inay shirar qabtaan oo ay yidhaahdaan Puntland nooma iman karto, anaguna waanu ka diyaar-garownay arintaasi, waxaanan odhan karaa bulshada aanu abaabulnay ayaa ku filan, haddii ay isku dayaan Puntland inay sanaaduuqda doorashada ku keeneen Badhan ciidamada qaranka iyo ciidamada kale ee amaanku way u diyaarsan yihiin inay ka hor tagaan”