Madaxweyne Obama Oo Kenya Ka Reebay Safarkiisa Afrika Iyo Shacabka Iyo Dawlada Oo Ka Damqaday

0
629

Picture2Nayrobi(Geeska)-Shacabka iyo dawladda Kenya ayaa u muuqda inay si weyn uga cadhoodeen safarka uu Madaxweyne Obama ku imanayo bisha dambe dalal ka tirsan Qaaradda Afrika, oo uu ka reebay wadanka Kenya.

Madaxweyne Obama oo safarkiisa bilaabaya dabayaaqada bisha dambe ee  26 June, ilaa 3 Julay, ayaa ka reebay dalalka uu booqanayo wadanka uu asal ahaan ka soo jeedo ee Kenya, waxaanu lugta marinayaa dalalka kala ah Senegal, Tanzania iyo South Africa, waxaanay taasi dood ka dhex abuurtay shacabka Kenya. Warbaahinta dalka Kenya ayaa si weyn wax uga baahinaysay labadii maalmood ee u dambeeyay safarkan iyo sababta uu Madaxweyne Obama u iman waayay wadanka Kenya, mar haddii safarkiisani uu noqon doono kii u dambeeyay ee uu ku yimaado Afrika wakhtigan oo uu ku jiro kalka labaad ee xilkiisa.

Hase yeeshe booqashadan Madaxweynaha Maraykanka ee Afrika, waxa hoos u dhigtay dawladda Kenya. Afhayeenka dawladda Kenya Muthui Kariuki, ayaa wakaaladda AFP u sheegay inaanay dawladda Kenya war war ka qabin go’aanka uu Madaxweyne Obama, dalka Kenya kaga reebay dalalka uu booqanayo. “Kenya waxay wadaysaa qorshayaasheeda horumarineed, kamana warwarsanin inaanu Kenya imanayn.” Ayuu yidhi Afhayeenka dawladda Kenya.”

Laba qodob ayaa lagu xidhiidhinayaa sababta uu Madaxweynaha Maraykanku u booqan waayay wadanka Kenya oo uu asal ahaan ka soo jeedo. Warbaahinta Kenya badankeedu waxay ku xidhiidhisay inuu doonayo inaan lagu ag sawirin Madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa oo ay maxkamadda dambiyada dagaalku dacwadooda gacanta ku hayso, maadaama lagu eedaynayo inay gacan ku lahaayeen xad gudubyo bini-aadam oo shacabka Kenya loo gaystay doorashadii 2007. Hase yeeshe qodobkan oo ah ka ugu muhiimsan ee ay suurtogal tahay inuu Madaxweyne Obama, uga maagay inuu booqdo Kenya waxa beeniyay maamulka Uhurru Kenyata, “Waxa jirta xan la isla dhex marayo oo ah inuu Madaxweyne Obama uga maagayo Kenya sababo la xidhiidha dacwadda ICC. Wararkani waa waxba kama jiraan.” Ayuu yidhi Afhayeenka dawladda Kenya.

Warar kale oo ay warbaahinta Kenya baahisay ayaa iyaguna go’aankan  Madaxweyne Obama ku xidhiidhiyay xaaladda nabadgelyo ee wadanka Kenya oo aan wanaagsanayn, iyadoo la ogyahay inay dhawr goor qaraxyo ka dhaceen caasimadda Nayrobi ee wadanka Kenya. Laakiin qodobkani maaha mid sidaas u sii xoog badan.

Shacabka Kenya, ayaa iyaguna dareeno cadho leh kaga falceliyay go’aankan Madaxweyne Obama, oo doorashadiisii si weyn looga dabaal degay dalkooda. Madaxweyne Obama oo ka tirsanaa aqalka odayaasha Maraykanka ayaa sannadkii 2006 booqday Kenya, waxaanay bulshada Kenya safarkiisan ka hor aaminsanaayeen inuu soo booqan doono inta aanay dhammaan mudadiisa xil hayneed, waxase ay hadda dib u liqeen candhuuftooda.