Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay Safiirka Faransiiska Ee Somaliland Iyo Somaliya

0
637

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Faransiiska u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya oo fadhigiisu yahay dalka Kenya Etiennce De Poncins oo socdaal rasmi ah ku yimid dalka.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Mudane Maxamed Cabdilaahi Cumar oo Kulankaasi ka dib shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyadda ayaa tafaasiil ka bixiyay qodobadii ay madaxweynaha iyo danjiraha faransiisku ka wada hadleen, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa Booqasho ku yimid dalka Safiirka Faransiiska ee fadhigiisu yahay Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya masuulna uga aha Somaliland iyo Soomaaliya. Waana markii u horeysay ee uu booqasho ku yimaado dalka, waana Safiir ku cusub shaqadda, Waxa uu la kulmay Madaxweynaha Somaliland waxaanay ka wada hadleen guud ahaan xidhiidhka Faransiiska iyo Somaliland ka dhaxeeya.Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay barnaamijyadda mashaariicda iyo muwaacimadda uu Faransiisku ku taageero Somaliland. Waxa kale oo aanu ka wada hadlanay barnaamijyo mustaqbalka aanu rajaynayno inay labada dal ka wada shaqeeyaan oo aan filayo inuu waxtar u yeesho Somaliland,”

Safiirka Faransiiska u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya oo fadhigiisu yahay dalka Kenya Etiennce De Poncins, oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay in socdaalkiisu la xidhiidho sidii loo sii adkayn lahaa iskaashiga iyo wax wada qabsiga ka dhaxeeya Somaliland iyo Faransiiska.

Waxa uu tilmaamay inuu Madaxweyne Siilaanyo kulan balaadhan la yeeshay iskana xog waraysteen sidii cilaaqaadka labada dal loo sii xoojin lahaa.Danjiraha Faransiisku waxa uu sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyay Nabad-gelyadda, dawladnimada shaqaynaysa ee ka tisqaaday Somaliland.