Wasiir-xigeenka Arrimaha Dibada Oo Ka Waramay Waxyaabaha U Qabsoomay Mudadii Uu Xilka Hayay

0
523

 

Picture3Hargaysa( Geeska )-Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah  Md.Mawliid Maxamud Karaani, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay waxyaabahii u qabsoomay intii uu xilka hayay oo hadda sannad ku siman, waxa sida oo kale uu ka hadlay wada hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya.

Wasiir ku xigeenka oo waraysi Gaar ah la yeeshay wargeyska Geeska Afrika waxa kale oo uu ka waramay heshiis ay wada gaadheen dawlada Itoobiya iyo tiro badan oo gaadiid dad reer Somaliland ah ay leeyahiin oo ay dalkaas ka soo daayeen iyo kuwo ay ku jiraan furdaamintooda.

Wasiir ku xigeenka oo la su’aalay waxyaabaha uu wasaaradda ku soo kordhiyay mudadii uu xilka hayay wuxuu yidhi “Mudadaas sanadka ah wax badan ayaa noo qabsoomay wasaaradan  arimaha dibadu waxaan odhan karaa waa wasaaradii ugu yarayd dhanka wax qabadka gudaha ee wasaarada shaqada ka socota, wasaaradaha kalena waa ay horumareen oo markaad eegto dhankii gudaha aad ayay uga dhismeen. Runtii wasaaradan markii aan ku soo biiray waxyaabo badan ayaa ii qabsoomay waxaana wax yaabahaas ka mid ah inay wasaaradu ku jirtay dhisme gaboobay, hay’ada USAID-na ay lacag wasaarada ugu deeqday ay dhisme ku dhisato,lacagtaas oo aanu dhisme ku bilawnay markaan imidna waa ay taagnayd, waxaanan ka dhigtay wax qabadkii koowaad inuu dhismahaasu dhaqaaqo bisha Mayna insha allaah waxa noo dhamaan doona dhisme laba dabaq ah.”

Isagoo Wasiir Mawliid, hadalkiisa sii wata wuxu intaas raaciyay “Dhismahaas waxa la socday qof khabiira oo wasaarada la taliye u noqda dibadana ka yimaada oo la shaqaalaysiiyo waxaana ku baxaysay lacag 50 kun oo doolar ah mudo sanad ah, laakiin markaan xafiiska imid waan ka biyo diiday arinkaas waxaanan warqad aan u qoray  hay’ada IOM oo aan u sheegay in ay wasaarada  uga wanaagsan yihiin 5 qof oo qaybo kala duwan oo wasaarada ah la taliye ka noqda dadka dalkana ka mid ah, shantan qofina waxay bud dhig u noqonayaan waxyaabaha ay  wasaarada arimaha dibada qabnayso.”

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Mawliid Maxamuud Karaani, wuxuu hadalkiisa ku daray “Sida oo kale markii aan wasaarada ku soo biiray wakiilada dibada u fadhiya Somaliland oo imika ah 12, intii aanan ku soo biirin wasaarada xidhiidh toos ah oo wanaagsan kama uu dhaxayn, waayo wasiirka arimaha dibada had iyo jeeraale waxa uu ku mashquulsan yahay safar oo bixitaankiisii ayaa badan markaas waxaas oo shaqo ah muu isku qaban karayn, markii aan shaqada imina dhamaan shaqooyinkiina gudaha iyo xidhiidhadiiba aniga ayuu igu soo wareejiyay. Waxaanan adkeeyay inay xidhiidh wanaagsan wasaarada la yeeshaan oo waxa aan samaynay la xisaabtan iyagana waxii ay u baahnaayeen waanu u fududaynay.”

Isagoo ka hadlaya shir ay bishii November ee sannadkii hore Somaliland iyo Itoobiya ku yeesheen Diridhaba, wuxuu yidhi  “Sanadkii dhamaadayna shir ayaa ka dhacay Diridhaba shirkaas oo u dhaxeeyay  wasaaradaha dawlada Somaliland iyo Itoobiya oo ahaa  waxii heshiisyo hore loo gaadhayna  sidii loo wanaajin lahaa kuwo cusubana loo wada gaadhi lahaa,taasina waxay noqotay mid aanu kaydinay oo mar kasta la heli karo.”

Wasiir ku xigeenka oo ka jawaabayay sida ay tahay wada shaqaynta masuuliyiinta wasaaradda iyo shaqaaluhu, wuxuu yidhi, “xidhiidhka wada shaqayneed ee guud ahaan wasaaradu waa mid wanaagsan, gaar ahaan saddexda masuul ee aanu ku wada joogno oo kala ah wasiirka, anigoo wasiir xigeen ah iyo agaasimaha guud, marna nama dhex yimaado wax khilaaf ahi, waxaanan shaqada wasaaradda iyo wixii soo kordhaba ku wadnaa wada tashi. Markaas wada shaqaynta guud ahaan wasaaradu waa mid wanaagsan.”

Mar la su’aalay halka ay marayaan wada hadalada u socda dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, wuxuu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo oo ka duulaya khibradiisa iyo waayo aragnimadiisa siyaasadeed uu ku dhiiriday inuu wada hadal la furo dawladda Somaliya, taas oo uu Mr. Mawliid ku tilmaamay siyaasad geesinimo leh, waxaanu yidhi “Runtii go’aan geesinimo leh ayuu ahaa in madaxwenuhu uu qaato go’aan wada hadalo lagula galaayo Somaliya, wada hadaladaasuna ay ka duulayaan  sidii laba dal oo walaalo ah oo is ictiraafsan sidii jaar labada dal ay ugu noqon lahaayeen, wada hadaladanina waa xalka kaliyaata ee aynu ku noqon karno laba dal oo jaar ah oo si fiican mandaqada uga wada mid ah. Wada hadaladaasi si wanaagsan ayay u socdaan dawladana waa ay ka go’antahay inay sii wado, iyada oo ujeedada ka danbaysaana ay tahay inaan ahaano laba dal oo wanaag ku jaar ah. Waxaanan Somaliya mar kasta ka rajaynaynaa in aanay ku hadal wax dhibaato ku keenaya wada hadalkaas noo socda waxna yeeli kara, anaguna mar walba waxaan taaganahay inaan labadaas dal ee Somaliland iyo Somaliya ee jaarka ah aynu ahaano.”

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay furdaaminta baabuur ku xidhan dalka Itoobiya oo laga leeyahay Somaliland, wuxuu yidhi  “Waxa jira baabuur badan oo ku xanibnayd Itoobiya waxaana anaga qoraal ahaan nagu soo gaadhay 14 baabuur oo dadkii lahaa ay na soo gaadhsiiyeen inaan xidhiidh kala samayno dawlada Itoobiya, mid ka mid ah waxa lahayd degmada Bali-gubadle markaas intoodii badnayd waa la sii daayay, qaarna wakhtigan ayaa lagu gudo jiraa soo dayntooda, waxaana soo dayn tooda sababay heshiiskaas bishii November aanu wada gaadhnay Itoobiya. Waxaana intaas kadib markii dadku ogaadeen 14-kaas inaan furdaamintooda galnay ayay ilaa 50 baabuur dadkii lahaa ay noo yimaadeen waxaanay noo sheegeen in baabuurtaasu ka maqantahay, xidhiidhna waanu la samaynay xafiiska Itoobiya ee dalkeena waxaana ay noo sheegeen in la darsi doono,insha allaah sii dayntooduna waxa ay noqon doontaa mid dhaw.”