Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo U Jawaabay Wasiir-xigeenka Amniga Oo Uu Sheegay Inuu Reer Awdal Duray

0
526

 

HPicture4argeysa(Geeska)-Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Md. Maxamuud Axmed Barre (Garaad), ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu sheegay inuu reer Awdal ku duray wasiir ku xigeenk amniga ee xukuumadda Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan.

Wasiir Garaad, oo shalay hadal ka jeediyay munaasibad uu xadhiga kaga jaray xarunta wasaaradiisa ee gobalka Togdheer, ayaa si adag u difaacay dhaqanka bulshada reer Awdal, oo uu sheegay inuu wasiir ku xigeenka amnigu ku sheegay dad caloosha wax ku haya. “Wasiir ku xigeenka amniga ayaa Kelmad reer Awdal dhibsaday halkan ka yidhi,reer Awdal maaha dad niyada wax ku haysta ee waa dad maskax furan, waa dad si saraaxadle wax u sheega.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Axmed Barre, waxaanu isagoo la hadlaya wasiir ku xigeenka uu intaas raaciyay “Waxaan u sheegayaa ciddii ku dhawaaqday gooni isu-taaga waxay ahaayen odayaashii Boorama ka yimid, Borama waa meeshii ugu horeysay ee laga dhisay dawladdii ugu horaysay ee Somaliland.”

Ugu dambayn wuxuu wasiirku hadalkiisa jawaabta ah ku soo gunaanaday,  “Waxaan ka xumahay wasiirka oo Borama aan dhaqankeeda aqoonin inuu wax ka sheego.”

Wasiir Maxamuud Axmed Barre, wuxuu h adalkiisu daba socday weedho uu sheegay inuu wasiir ku xigeenka amnigu ka yidhi xafladii xil wareejinta badhasaabka cusub ee gobalak Togdheer oo Sabtidii ku qabsoontay magaalada Burco.