Wasiir-xigeen Sheegay Inuu Madaxweynaha U Gudbinayo Cabasho Ka Dhan Ah Madaxweyne-xigeen Saylici

0
605

Hargeysa(Geeska)-Wasiir-xigeenka qorshaynta Axmed Ismaaciil Aaden (Kayse) ayaa ku dhawaaqay inuu Madaxweyne Siilaanyo u gudbin doono cabasho ka dhan ah madaxweyne-xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, oo uu ku eedeeyay inuu kula kacay talaabo xad gudub ah.

Md. Kayse, ayaa sheegay in madaxweyne-xigeenku ka joojiyay xaflad ay isaga oo ah wasiir-xigeenka cusub ee qorshaynta iyo wasiir-xigeenka arrimaha dibadda Kaysar Cabdillaahi Maxamed, xilka kula kala wareegayeen khamiistii oo ka dhici lahayd hoteelka Maansoor, islamarkaana uu madaxweyne-xigeenku amar ku bixiyay inay munaasibadda xil wareejinta ku qabsadaan xarunta wasaaradda qorshaynta. Wasiir-xigeenku wuxuu sheegay in Madaxweyne-xigeen Saylici uu talaabadaas ku sababeeyay dhinaca kharashka oo uu Saylici sheegay in dalku marayo xaalad adag, laakiin uu isagu u arkayo arrin shakhsi. “Madaxweyne-xigeenka ayaa ila soo hadlay wuxuu yidhi xafladaas jooji jooji, waxaanku idhi maxaan ku joojiyaa wuxuu yidhi waad arkaysaa xaaladda uu dalku marayo markaas nimankii ayaa hudheelo xaflad ku qabsanaya iyo kharashka, waxaanu yidhi waa amar ee jooji oo hoolka qorshaynta taga sidii ayaanu telefoonkii igu dhigay. Markaas sidii ayay xafladii ku baaqatay oo aanu ku tagnay wasaaradda qorshaynta hoolkeeda oo xafladii ku qabsanay.” ayuu yidhi wasiir-xigeenku, waxaanu intaas raaciyay “Anoo is leh madaxweyne-xigeenka deelqaaf ayay ku ahayd ama may ahayn inuu madaxweynexigeen soo dhex galo laba wasiir-xigeen oo xil wareejin ah maan fahmin ee isagaa la weydiin doonaa laakiin anigu ixtiraam ayaan u ahayaa madaxweyne-xigeenka.”

Wasiir-xigeenku wuxuu sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo u gudbin doono cabasho ka dhan ah madaxweyne-xigeenka, “Anigu cabashayda wuxuu noo gaystay ee aan qoyskaygii muxrimka u ahaa Jidda kaga imid, haddii uu khrash doonayo inuu noo kaydiyo sharaab ayaa la cabi lahaa laakiin kharashka wax madhxin wax ka badnaa ayaa jira, arrintaas waxa la weydiin doonaa

madaxweynexigeenku wuxuu u soo farogashaday, iyadoo dalka xil badani ka saaranyahay wuxuu u soo farogashaday. Anigu wixii cabasho iyo dhibaato ah ee uu igu sameeyay madaxweynaha ayaan sugayaa cabashadayda halkaas ayaan ka gudbinayaa, laakiin waxaan u arkayaa inuu igu soo xad gudbay oo uu laba jeer igu soo xad gudbay.”

Wuxuu wasiir-xigeenku tilmaamay in madaxweyne-xigeenka arrintan uga jeedo dagaal shakhsi oo Axmed-kayse ahaan ka dhan ah “Arrintan uu madaxweybne-xigeenku sameeyay arrin shakhsi ayaan u arkaa, waayo wuu na ixtiraami lahaa oo wasiirkayagii ayaa joogay oo xafladda ka soo qayb galayay, laba wasiir wuxuu madaxweyne xigeen u soo farogashadaa weligay ma arag, laakiin arrintiisu waa arrin shakhsi, taasna waan tirsanayay hore oo reerkaygii aan muxrimka u ahaa aan ka soo cararay.”