Xildhibaan KULMIYE Ka Tirsan Oo Ka Dayriyay Xaalada Dalku Marayo, Sida Hantidii Umadda Loo Boobayo, Kana Digay In Mushaharka Shaqaalaha La Waayi Doono

0
692

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, ayaa si adag uga hadlay xaaladda dhaqaale ee uu dalku galay, waxaanu sheegay in hantidii, lacagtii iyo dhulkii dwladda lagu hayo boob aan xad lahayn.

Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in shuruucdii dalka si aan gabasho ahayn loogu tuntay, waxaanu ugu horayn isagoo ka hadlaya xaaladda dalka uu yidhi “Xaaladu dalku marayo, waa xaalad adag, oo laga naxo, iyadoo la galay wakhi kala guura, xaalada uu dalku marayo, waa xaalad aad u xun oo adag oo laga naxo, Xukuumaddii dalka u igmanad ee loo doortayna, ay ilawday umaddeed iyo shicibkii iyo dadkii ay masuulka ka ahayd, oo aad og tahay in meelahaas la meeraysanayo, oo dadkii wadanka masuulka ka ahaa badankoodii halkay meeraysayaan waa la arkaa, taasina waa nasiib daro”.

Xildhibaan Abubakar mar uu ka hadlaayey masuuliyadda sicir bararka dalka ka taagan ayaa yidhi”Sicir bararka waxa ka qayb ah, oo ugu weyn waa Xukuumadda Maanta, Sicir bararka maanta dhacayana waxa hormuud ka ah Xukuumadda, iyada ayaana dambigeeda leh, Ganacsataduna wax alaale wax dambiya oo ay ku leeyihiin ma jirto, awalba sicirka waa la goyn jiray, Ganacstaduna wey joogeen, balse waxa la soo daabacayaa lacag aan la arag, oo bil walba shaqaalihii baa lacag laga jarayaa, wadankiina wuxuu galay xaalad dhib badan oo kala guura oo dalkii la boobayo oo aan cidna loo aabo yeelayn, marka suuqa lacag lagu sii daayo bishii ama labadii biloodba, lacag la soo daabacaya oo suuqii iyo meheradihii khal-khalinaya, oo sarifkuna laba jibaarka noqday, Ganacstadu dambi ma leh, ee Xukuumaddii masuulka ka ahayd, ee hoggaanka u ahayd, soo tan ku sii daynaysa suuqyadii maaliyiinta lacag ah bishiiba, ee Ganacstada iyo Shicibku dambiga ma leh, ee dambiga waxa leh oo eedda leh Xukuumadda, sicir bararka maanta jirina waxa dambaysa oo ka masuul ah Xukuumadda, iyadaana ka kow ah”.

Xildhibaan Abubakar mar aanu wax ka weydiinay sidii u arko amarkii Xukuumadda ee ahaa inay joojiso Shirarka aan caadiga ahayn ee Golayaasha Deegaanka ayaa yidhi “Waa cadaalad daro, waa xaq daro, waana caalamadaha Xukuumaddan lagu yaqaano, cadaalada darada qaawan ee Xukuumadda  sicir barar ha noqoto, cadaalad daro waligeed aan nolosheena ina soo marin ayaa maanta wadanku marayaa, Xeerarkii dalka ayaa la laabaya, Dastuurkii ayaa la laabaya, oo lagu tumanayaa, oo aan cidna loo aabo yeelayn, Wadankii oo la boobayaa, oo ah boob aanan lahayn damiir waxbaa ka daba iman kara, la xisaabtana aanu jirin, meel laga baqaana aanay jirin, damiirkii ma shaqeeynayo,waa cadaalad daro, ta kale  Sharci baa jira odhanaya nidaamka ay marayaan Golayaasha Deegaanku, wixii kale oo dhana waa sharci daro qayrul caadiya, Wasiir wareegtadiisuna ma joojin karto Golayaasha Deegaanka kal

fadhiyadooda,Umad  baa soo dooratay siday isku bedelayaan iyo kal-fadhiyadoodu waa sharci dhamaystiran, oo Madaxweynaha ayaa saxeexay, in lagu tunto sharcigiina waa nasiib daro, anigu waligay ismaan lahayn Xukuumadda uu hogaaminayo Siillaanyo ayaa sharciga ku tumanaysa, laakiin nasiib daro heer aan waligeed la gaadhin ayaa sharcigii  loogu tumanayaa oo Dastuur looma eegayo, Sharci looma eegayo, Hanti boob looma eegayo,  Guri ha noqoto ama Dhul ha noqoto, Sicir ha noqoto, haddii ay sidaas ku sii socotana waxa dhici doonta in Mushahar la waayo, iyadoo dadkii Xukuumadda hayey boob qayrul caadiya ku jiraan”.

Xildhibaan Abobakar mar aanu wax ka weydiinay sababta uu dhaliilahan culus ugu soo jeediyey Xukuumadda isagoo ka tirsan Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye ayaa yidhi “Xukuumadda in aan dhaliilasheeda iyo in aan  ceebteeda ku raaco maaha, ceebteena waa inaan sheega, waa in aan ka soo hor jeedsadaa, in badan baanu ka aamusnayn, laakiin in xalaadani xaalad la qarsan karo maaha, xaalad aan ugu dayn karo maaha Xisbigaas ayaad ka mid tahay oo ku tumanaya umaddii, oo Askarigii maanta waad arkaysa noloshiisi halkay marayso, taasina mid aan u joojinayo maaha, waa mid aan xaq u leeyahay, in aan dhaliisha iyo wixii aan arkayo ee damiirkaygu I siin waayo aan sheego, oo aan si cad u sheego, wax loo dulqaadan karana maaha.”