Cali Khaliif Oo Ka Digay In Haddii Shirka Burco Baaqdo Ay Wada Hadaladii Burburi Karaan

0
744

Sool(Geeska)-Prof.Cali Khaliif Galaydh ayaa daboolka ka qaaday inay wada hadaladii ay kooxda Khaatumo la lahayd Somaliland ay ka baxayaan haddii laysugu iman waayo shirkii bishan tobankeeda lagu balamay ee Burco.

Cali Khaliif waxa uu dhaliilo xoogan u soo jeediyay wasiirka arimaha gudaha Faratoon oo uu ku tilmaamay nin aan deegaanka matalin, Cali Khaliif oo si cadho leh warbaahinta ula hadlaayay waxa uu yidhi "Somaliland wada hadalo ayaa naga dhaxeeya oo meel wanaagsana waa la soo gaadhsiiyay anagu haddaanu Khaatumo nahay waxba dhulka nagama yaaliin, Somaliland war ay soo dirtay anagu tilifishanka kama dhagaysanayno arin culus ayaa taala shalayna waxaan arkaayay barnaamij tilifishanka laga sii daayay. Haddaanu  Khaatumo nahayna waanu ka shiraynaa, wax aanay ka muuqan dawladnimo iyo odaynimo ayaa meeshaas lagaga dhawaaqayay, jawaab munaasib ah ayaanu siinaynaana,waxaanse sii horaysiinayaa in shirkayagu ahaa Julay tobankeeda Burco ayuu ahaa oo anaga ayaa ku heshiinay iyaguna kama bixi karaan oo hadday ka baxaan wada hadaladii oo dhan ayay ka baxeen, dibna uma dhigi karaan oo shirku wax aanan ku heshiina ma noqon karo, waxaanu leenahay waar haddii kuwo meesha idiin jooga oo leh dhulkan ayaanu u dhalanay ay tahay in lagu maslaxo oo lagu masaajeeyo waar waa shaqaalihiina kuwaasi, waa ku qariyay qariyay ee guncad, Faratoon waanu ka xishoonay oo kali ahaan ayaanu uga xishoonay, wasiir ahaan ayaanu uga xishoonay, waxan uu la soo taaganyahay Khaatumo ma jirto ee waa Cali Khaliif iyo afar kale, waar isagu yuu haystaa, isaga Siilaanyo ayaa magacaabay,isaguuna mushahar ka qaataa wax uu watana ma naqaano."

Somaliland iyo hogaanka KHaatumo ayaa dhawaan ku heshiiyay in dastuurka Somaliland la furo isla markaasna wadahadalka la sii balaadhiyo.