Murashax Cabdishakuur Bidhaan Oo Taagerayashiisa Shalay Soo Bandhigay

0
630

kaleHargeysa(Geeska)-Murashaxa xisbiga UCID ee caasimadda Hargeysa Cabdishakuur Maxamed Ismaacil (Ina Bidhaan), ayaa balan qaaday inuu wax ka bedeli doono bilicda caasimadda Hargeysa, haddii uu ku guulaysto doorashada goleyaasha deegaanada.

Cabdishakuur Bidhaan, oo ah aqoonyahan dhallinyaro ah, wuxuu shalay khudbad ka jeediyay fagaaraha beerta xorriyadda ee Hargeysa oo ay taageerayaashiisu ka mid ahaayeen kuwii madasha buuxiyay, “Waxaan wax ka qaban doonaa bilicda caasimadda Hargeysa, waxaanan wax kasta ka horumarin doonaa danta guud haddii aad ii doorataan golaha deegaanka ee caasimadda.” Ayuu yidhi Cabdishakuur Bidhaan oo ka soo jeeda qoys magac ku leh magaalada Hargeysa.

Cabdishakuur, wuxuu taageerayaashiisa ka codsaday inay si weyn u soo baxaan maalinta cod bixinta oo ku beegan 28 November, waxaanu taas bedelkeed u balan qaaday inuu dabooli doono baahiyo badan oo uu sheegay inay wakhtigan ka muuqdaan magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.