Wasiir Xaabsade Oo Ka Hadlay Cidda Siisay Awoodda Uu Xilka Kaga Qaaday Badhasaabkii Sool Iyo Masuliyin Kale, Kuwo Cusubna Ku Magacaabay

0
668

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa tafaasiil ka bixiyay jidka uu u maray xil ka qaadis uu ku sameeyay badhasaabkii gobalka Sool, badhasaab xigeenkii, maayarkii iyo maayar xigeenkii Lascanod iyo masuuliyiin kale isagoo magacaabay kuwo cusub.

Wasiir Xaabsade, oo guddoomiye u ah guddi uu Madaxweynuhu magacaabay oo Lascanod ku sugan, waxa go’aanka uu xilka kaga qaaday masuuliyiintaas ka dhashay dood sharci iyo su’aalo la iska weydiiyay cidda siisay awoodda uu ku kala diray masuuliyiintii hore kuna magacaabay kuwo cusub. Wasiir Axmed Cabdi Xaabsade, oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika,wuxuu sheegay in Madaxweynuhu siiyay awoodaas oo qoraal ah, “Madaxwaynahaa noo wakiishay, waraaqna wuu noo qoray wuuna noo xilsaaray inaanu ninkii aanu u aragno aanu ka qaadno xilka , kii aanu u aragnano inuu gudan karana  aanu u magacwano.” Ayuu yidhi Wasiirka warfaafintu oo la weydiiyay inuu umadda u sharaxo halka uu ka keenay awoodaas, maadaama oo uu isaguba ku magacaabanyahay digreeto Madaxweyne oo la mid ah kuwii masuuliyiinta uu xilka ka qaaday lagu magacaabay.

Wuxuu sheegay inuu rajaynayo in masuuliyiinta cusubi ka soo bixi doonaan xilka loo magacaabay, “Waxaanu rajaynaynaa inay ka soo bixi doonaan xilka loo magacaabay.” Ayuu yidhi.

Mar la weydiiyay sida ay tahay nabadgelyada gobalku, wuxuu sheegay inay fiicantahay balse weli ay wax badani dhimanyihiin, “Sidii hore way dhaantaa nabadgelyadu laakiin weli lama odhan karo way saxantahay.” Ayuu ku jawaabay.

Wasiirka oo la weydiiyay sifaha lagu soo daayay maayarkii hore ee Lascanod oo la xidhay maalmo ka dibna la sii daayay, wuxuu yidhi, “Weydii cidda soo daysay…maxaad aniga ii weydiinaysaa.” Mar la weydiiyay cidda ay tahay cidda sii daysay wuu ka gaabsadey, “Annagu waanu xidhnaye weydii cidda soo daysay.” Ayuu ku ku gaabsaday.

Masuuliyiinta uu xilka ka qaaday wasiir Xaabsade, waxa ka mid ah badhasaabkii gobalka Sool iyo ku xigeenkiisii, maayarkii Lascanod iyo ku xigeenkiisii, guddoonkii waxbarashada ee gobalka Sool, ku xigeenkii xeer ilaaliyaha gobalka iyo xubno kale. Isagoo masuuliyiintaas hore ka dalbaday inay si deg deg ah u wareejiyaan xilka laga qaaday.