Shidaal Laga Qodayo Itoobiya Oo La Xaqiijiyay In Laga Dhoofin Doono Dekedda Berbera

0
921

itoobiya

Addis Ababa (Geeska)-Dawladda federaalka Itoobiya ayaa heshiis la saxeexatay shirkad lagu magacaabo Perto Trans Company Ltd oo laga leeyahay dalka Shiinaha ah, ahna shirkad shidaal ka qodaysa kililka shannaad ee Somalida Itoobiya.

Tartan kadib, waxey dowladda dhexe Itoobiya si buuxda ugu wareejisay toddobaadkan ceelasha shidaalka ee Calub iyo  Hilala shirkadda PetroTrans Company Ltd, taasoo saldhigeedu yahay Hong Kong. Xaflad balaadhan oo lagu qabtay hoteelka Sheraton ee magaalada Addis Ababa ayaa waxa heshiiska ku kala saxeexday Wasiirka macdanta ee Sinkinesh Ejigu iyo Guddoomiyaha shirkadaas John Chin. Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay inay qandaraaskan u tartameen shirkado kala ah South West Energy, Cobramar of Seychelles iyo National Oil Company oo uu leeyahay ganacsade Sheekh Maxamed Cali Al-Camuudi oo u dhashay dalka Itoobiya, kuwaas oo dhammaantood doonayay inay hoggaamiyaan ceelasha ku yaala kililka shannaad ee Somalida Itoobiya oo ah meelo la sheegay inuu shidaal ka buuxo, waxaana aakhirkii ku guulaysatay shirkadan China ah.

Guddoomiyaha, ahna madaxweynaha shirkadan PetroTrans, John Chin, kadib saxiixa hashiiskan, wuxuu wacad ku maray in shirkaddiisa saddex sano gudahood ay shidaalka deegaanka Soomaalida tuumbooyin  dhaadheer ku keeni doonto dekadda Berbera ee dalka Somaliland oo laga dhoofin doonto. “Shirkadayadu wxay saddex sannadood gudahood dhisi doontaa wershadii shidaalka sifayn lahayd iyo tuumbooyin shidaalka lagaga nuugo Calub iyo Hilala, laguna gaadhsiiyo dekedda Berbera ee Somaliland si halkaas looga dhoofiyo.” Sidaas waxa yidhi guddoomiyaha shirkadaas Mr. John Chin, oo munaasibadaas ka hadlay, waxaanu intaas raaciyay inay shirkadiisu aaminsantahay in dooxooyinkaasi ay khayraad la ceegaagaan.

Wasiirka macdanta ee Itoobiya Sinkinesh Ejigu, oo isna xafladaas la hadlay ayaa muujiyay sida ay dawladiisu ula dhacsantahay shirkadan, waxaanu sheegay inuu heshiiskaasi xaqiijinayo hirgelinta aragtida dawladda Itoobiya ee ku waajahan baadhista shidaalka iyo macdanta Itoobiya.

Haddii uu hirgalo qorshaha shirkadan lagu magacaabo Petro Trans Company, waxay fursad u noqon doontaa dekedda Berbera iyo guud ahaan Somaliland oo fursad u heli doona dhaqaale baaxad leh oo ka soo gala shidaalka dekedda Berbera laga dhoofinayo oo weliba soo jiidan doono maalgashadayaal kale oo badan.