Hargeysa: Wiil Yar Oo Shalay Gurigooda Laga Xaday Oo Laga Soo Qabtay Hawdka Hargeysa Iyo Aabaha Dhalay Oo Ka Hadlay Siday Wax U Dhaceen

0
818

 

ku yarHargeysa(Geeska)-Siciid Buraale Jibriil oo ah lix jir shalay gurigooda laga xaday ayaa  isla  shalay lagu soo qabtay deegaanka Cuna-qabad oo qiyaastii 30km koonfur kaga beegan magaalada Hargeysa.

Siciid Buraale Jibriil, waxa shalay gurigooda oo ku yaala koonfurta Biriishka Hargeysa ka kaxaystay nin aan ilaa hadda haybtiisa si rasmi ah loo aqoonsan, laakiin wiil kale oo isna dhallinyaro ah ayaa deegaanka Cunaqabad kaga soo baxay ninka oo jiidaya Mr. Siciid oo isna ooyaya. Sida uu Geeska Afrikau sheegay Aabaha wiilkan la badbaadiyay Buraale Jibriil, wiilka dhallinyarada ah ayaa ninkii tuuga ahaa ka badbaadiyay inuu kaxaysto ilmaha yar ee uu xaday, “Ninkii oo jiidaya inanka yar ayuu wiilkaas dhalinyarada ahi ku soo baxay dabadeedna wuxuu ku yidhi waar ilmaha ka daa ha diline miyaydaan walaalo ahayn iyo mayee walaalaanu nahay, laakiin wiilkii yaraa ayaa qayliyay oo yidhi walaalo ma nihin ee wuu I soo kaxaystay, dabadeedna ninkii ayaa inanka yar sii daayay oo baxsaday, sidaasna waxa wiilkaygii lagu keenay reerka wiilka dhallinyarad ah ee badbaadiyay oo tooyasho ka dib ila soo xidhiidhay.” Sidaas waxa yidhi Buraale Jibriil, oo Geeska Afrikaxalay u waramay isagoo markaas Hargeysa soo gelinayay wiilkiisa  yar ee la badbaadiyay. Wiilka la kaxaystay ayaa la sheegay inuu ninka xaday ku sababay inuu u gaynayo ayaydii.

Mr. Siciid Buraale Jibriil, ayaa la kaxaystay barqadii shalay, waxaana la badbaadiyay abaaro labadii duhurnimo, laakiin laguma guulaysan in la qabto ninkii ilmaha xadayay, “Inanka wiilkayga badbaadiyay waa wiil yar oo aan isna awoodi karayn inuu ninka tuuga ah qabto, balse wuxuu ku guulaystay inuu inankayga badbaadiyo.’ Ayuu yidhi Buraale.

Maaha markii koowaad ee la isku dayo in carruurta yar yar ee reer Somaliland la xado, waase dhaqano cusub oo muddooyinkii u dambeeyay dalka ku soo kordhayay.