Wasiir Xaabsade oo Farriin La Xidhiidha Ciidamada Qaranka Ee Buhodle U Diray Xukuumadda

0
614

xaabsade-638x300Borama(Geeska)-Wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta ee Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa xukuumadda Somaliland ee uu ka tirsanyahay ugu baaqay inay dadweynaha Reer Buhodle ka dulqaado ciidamada qaranka, maadaama oo sida uu sheegay ay soo saareen baaq ay ku ajiibeen gogoshii nabadeed ee Madaxweynuhu ku baaqay.

Wasiir Xaabsade, oo shalay xadhiga ka jaray jid laamay ah oo isku xidhaya jaamacadda Camuud iyo magaalada Borama, wuxuu ka hadlay farqiga u dhexeeya aqoonyahanka gobalada Awdal iyo Sool iyo waxyaabo kale. Ugu horayn isagoo ka hadlaya jaamacada Camuud iyo dadka reer Borama, wuxuu yidhi “Waxaan halkan uga mahadnaqyaa jaamacada Camuud oo uu hormuud ka yahay Prof.Saleebaan talaabda uu hayo ee uu ku socdo, ee horumarinta leh, ee qurxda leh, ee aqoonta leh ee cilmigu ku dheehan yahay ee uu u fidiyay umaddiisa. Intaas ka bacadi waxan leeyahay jaamacadu way dadaashay oo waxbay qabsatay, insha allaah inteena kalena waa  aynu ku dayan doonaa’oo waa meesha ugu horaysay ee ina barta inaan jaaamcad samaysano, waa meesha ugu horaysay ee ina bartay inaan waddo  samaysan karno, waa meesha ugu horaysay ee isku tashatay ina tustayna in  wax la qabsan karo, iyada oo aan dawlad wax laga sugin, aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa Boorma iyo dadkeedaba.”

Isagoo ka hadlaya gobalka Sool, wuxuu yidhi “Waxaan u gudbayaa dhibaatada hadda Sool ka taagan ee na haysata, horana halkan waan uga sheegay, anaguna xabad ayaan u soo iibinaa dadkayaga lagu laayo, halkana qalinbaa loo soo iibiyaa, labadaasi wax is leh maaha, reeraha Sool Daga ama Ceerigaabo waxaan leeyahay walaalahiin xabad ayaa ay idiin soo iibiyaan, halkana qalinbaa laydiinku deeqay, markaas u mahadnaqa dadka halkan idinku haya.”

Wuxuu soo hadal qaaday hadal kaftan ah oo uu guddoomiyaha jaamacadda Camuud ku yidhi, wuxuu yidhi wasiirku, “Maanta Saleebaan waxa uu igu yidhi idinkuna siyaasiyiin baad tahiinoo Sool xabad iyo dagaalbaad ku wadaan anaguna halkan ayaanu wax ku baraynaa oo qalin baanu u fidinaa, markaas xagayaga waanu ka da’adaalaynaa ee xagiina ayay ka jiiftaa, Saleebaan waa uu ku mahadsan yahay inuu na tuso taladaas wanaagsan.”

Ugu dambayn wuxuu baaq u diray xukumadda kaas oo ku waajahan inay ka jawaabto baaq uu sheegay inay soo saareen wax garadka Buhodle, waxaanu yidhi  “Waxaan saaka jaraa’idka ku arkay oo farxad leh,in  qolada reer Buuhoodle ay soo saareen war ay leeyahiin haddii ciidamadaas nalaga qaado, oo inyar uun nalaga fogeeyo, gogashiina waan imanaynaa, taladiina waan ka qayb-qaadanaynaa, Somaliland-na waan nahay, waxan leeyahay qoladaas reer Buuhoodle aad iyo aad baad u mahadsantahiin. Dawaldana waxaan leeyahay, waar idinkuna intaas ku deeqa oo hadday ogalaadeen nabadgalyadii, oo ay ogalaadeen in aanay soo duulin, oo ay ogalaadeen gogashii inay fadhiistaan, dee idinkuna ciidamdda ka qaada.”

Prof. Saleban Maxamud Guled, ayaa isna ka hadlay jidkaas, waxaanu u mahadceliyay cid kasta oo gacan ka gaysatay dhismaha jidkaas oo muhiim u ah isku xidhka jaamacadda Camuud iyo magaalada Borama.