Madaxweyne Siilaanyo Oo Wasiiro U Xulay Wada Hadalada Somaliya

2
645

Siilaanyo-MJHargeysa (Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa magacaabay shan Wasiir oo uu u xil saaray wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland yeelan doonaan sidii uu dhigayay Go’aamadii ka soo baxay shirweynihii London ku qabsoomay 23-kii bishii Feberwari ee la soo dhaafay.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyadda oo u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isagoo ku qanacsan baahida loo qabo in ay Somaliland, dhineceeda fuliso, Go’aamadii Shirkii Caalamiga ahaa ee London 23 Feberoury 2012, inta ka khusaysa gaar ahaan Qodobka tilmaamaya wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, waxaa uu magacaabay Guddi Farsamo oo kooban 5 xubnood kana hawl-gelidoona qaban-qaabada iyo qaabka wada hadalka (Somaliland & Soomaaliya) kuwaas oo kala ah:-

1. Wasiirka Arrimaha Debeda, Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar
2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Nuur Caraale (Duur)
3. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Axmed Cabdi Xaabsade
4. Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka,Xuseen Axmed Caydiid iyo
5. Wasiirka Beeraha, Prof. Faarax Cilmi Maxamuud

Gudigani waxay ka qayb-gelidoonaan kulan gogol-xaadha oo ay labada dhinac dhawaan ku yeelan doonaan Magaalada London ee Cariga ingiriiska.”

Comments are closed.