Wasiir Xaabsade Muxuu Ka Yidhi Warqada La Sheegay Inuu U Qoray Guriga Cabdilahi Maxamed Ducale?

0
629

 

aabsadeHargaysa( Geeska )- Wasiirka wasaarada hawlaha guud Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa sheegay in aanu qorin wax warqad ah oo lagaga saarayo  wasiirkii hore ee arimaha dibada dawladii Riyaale Cabdilaahi Maxamed Ducaale gurigii uu daganaa.

 

Wasiirka oo wargayska Geeska Afrikauu wax ka waydiiyay warqad dhawaan warbaahintu sheegtay in wasiirku u qoray Cabdilaahi Maxamed Ducaale, oo uu kaga dalbaday inuu iskaga guuro guriga uu ku jiray ee ku xiga qasriga madaxtooyada, ayaa wuxuu Wasiir Xaabsade sheegay inaanu warqadaas la sheegayo qorin,  “ Wax war ah kama hayo guriga aad sheegayso, warqadna uma qorin, isaga iyo kuwo kale toona.”

Wasiir Xaabsade oo aan su’aalnay waxa uu ka ogyahay in warbaahintu ayaamahan ay warkaas baahinaysay waxa uu yidhi “Wararkaas la qoray kama hadlaayo anigu, laakiin gurigaas wax warqad ah umaan qorin”

Bilihii u danbeeyay guud ahaan waxa dalka ka socday dhaqdhaqaayo xukuumadu ay dib ugu eegayso guryaha dawlada, inkasta oo mucaaradku ay ku dhaliilaan in xukuumadu ay guryahaas sifo aan sharci ahayn u adeegsanayso.