Madaxweyne Siilaanyo Oo Xalay Qoraal Digniin Xambaarsan Saxaafada U Mariyay Maayarka Caasimada Hargeysa

2
651

 

 

 

madaxene iyo jicirHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maayarka caasimadda Hargeysa Md. Xuseen Maxamuud Jiciir, uga digay inuu bixiyo dhulka xisbiga loo yaqaan islamarkaana aan jiho kasta oo ka mid ah waxba laga dhisi Karin.

 

Madaxweynaha, ayaa wuxuu amarkan ku sheegay qoraal uu xalay cawayskii soo saaray afhayeenkiisa Axmed Saleban Dhuxul, waxaanu go’aanka Madaxweynuhu ku soo beegmay mudaharaad shalay ay sameeyeen qaar ka mid ah dadka ku ganacsada suuqa Xisbiga oo ka soo horjeeday dhismayaal ay sheegeen inay dawladda hoose ka bilowday xisbiga. Dhulka xisbiga ayaa la sheegay inay dawladda hoose ugu tallo gashay in la dejiyo dadkii lagaga raray badhtamaha suuqa Hargeysa.  Qoraalka Madaxweynuhu, wuxuu u dhignaa sidan:   “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Amar ku bixiyey in aan Dhulka ku Xeeran Guriga Xisbiga aan la bixin Karin, la iibin Karin sife kalena loo isticmaali Karin. Madaxweynuhu waxa uu  ku yidhi xayiraada Dhulkan:-

Waxaa jirta in Xukuumaddu u qorshaysay baahi Qaran  Guriga Xisbiga iyo dhulka ku xeeran, iyadoo ay hore u jirtay ku talogal naqshad-dhuleedka danta guud ee aan Xukuumadii hore kala wareegay, isla markaana  Madaxweynihii hore ka soo saaray qoraalka summadiisu tahay JSL/M/MHH/241/0506 ee 06/05/06, taasoo u muuqata in aan la tixgelin.

Sidaas darteed, Mudane Guddoomiye,(Duqa Caasimada Hargeysa) ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa, maadaama baahi Qaran dhulkaas loo qabo,  waxaan ku faraya in aan dhulkaas la bixin karin waxna laga dhisi karin wajahadiisa, sii jeed & soo jeed iyo dhammaanba Dhulka ku xeeran Guriga Xisbiga.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa la faraya inuu warbixin ka soo diyaariyo fulinta amarka warqadani xambaarsan tahay.”

Comments are closed.