Wasiir Xaabsade Muxuu Ka Yidhi Guuldaradii Cali Khaliif Ee Baarlamaanka Somaliya?

0
532

 

xabaseHargeysa(Geeska)- Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guryaynta Somaliland, Md. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa ka hadlay guuldaradii siyaasiga Cali Khaliif Galaydh uu kala kulmay doorashadii guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya.

 

Sida uu shalay qoray wargeyska dawladda ee Dawan, Axmed Cabdi Xaabsade oo  khadka telefoonka ugu waramay Wargeyskaas, ayaa sheegay inuu Cali Khaliif Galaydh khasaara,  “Wuu ku guul daraystay in uu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, waxaan u arkaa in uu khasaaray oo uu halkana ka khasaaray halkaana ka khaaray”.  Ayuu Xaabsade, waxaanu intaas raaciyay  “U jeedadiisii hore ee abuuritaankii khaatumo waxa uu ahaa in uu kursi ku raadsado, waanay cadayd taasi, waxaanu doonayay in uu ku meel gaadho maamulkii uu sameeyay, meeshiina way u suurtoobi wayday, imika waa nin khasaaray”.

Cali Khaliif Galaydh, waxa doorashada kaga adkaaday Maxamed Cismaan Jawaari oo helay wareeggii koowaad 119 cod halkii laga doonayay 139 cod, balse tanaasulka uu sameeyay Prof. Galleydh ay sababtay inuu noqdo guddoomiyaha rasmiga ah ee baarlamaanka cusub Soomaaliya.