Madaxweyne-xigeenka Oo Canaantay Hay’adaha Dalka Ka Hawlgala Ee Kala Duwan

0
3538

 

sysHargaysa( Geeska )-Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, ayaa si adag ula hadlay guud ahaan hay’daha caalamiga ah, kuwa qaramda midoobay iyo kuwa maxaliga ahba.

 

Madaxweyne ku xigeenku  waxa uu wax fool xun ku tilmaamay in shaqaalaha hay’daha UN-tu ay ku shaqeeyaan 20,000 oo dollar, dadkii baahnaa ee ay beesha caalamka wax uga soo ururiyeena ay ku noolyahiin hal doolar. Waxaanu u soo jeediyay inay boqlkiiba toddabaatan soo gaadhsiiyaan dadka ay u soo qaadhaameen iyaguna ay isku filnaysiiyaan soddanka soo hadhay.

Waxanu hadalkiisa ku bilaabay madaxweyne ku xigeenku sidan “Waxaan leeyahay muddo labaatan sano ah ayaaynu soo wada shaqaynaynay, waanu idiinka mahadnaqaynaa dib u dhiskii ay umadda Somaliland kala soo qaybqaateen, waanan qiraynaa, oo waliba ah waxyaabha xaassaasiga ah, kamana abaalka darayno.Wali wax badan ayaan tabaynaa waxaanan is leenahay sidii la rabay wax idiima soo gaadhaan, waxaan leenahay hay’daha caalamiga ah, waxaan qabaa lacagaha aad ka soo ururisaan beesha caalamka oo aad naga xigtaan inay hadana inteeda badan idinka dib idiinku baxaan, Waxa aan leeyahay waar umadda aad wax u soo uruuriseen waa umadaas dhibaataysan ee aad aragtaan, in ninka UN-ta u shaqeeyaa uu 20,000 oo Dollar qaato, ninka aad wax u soo uruuriseena uu 1 dollar ku noolaado, waxa aan idin weydiinayaa ilaahay baan idinku dhaarshee ma mid qurux badan baa, waxa aan leeyahay hay’adaha caalamiga ahoow beesha caalamka waxa aad ka soo qaadaan kala bedela, 30% isku filaysiiya, 70%-ka kalena umadda soo gaadhsiiya.” Md.Saylaci isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi “ Shaqlaaha hay’daha u shaqeeya ee Somalida ah waxaan leeyahay waxaad tahiin dalkan Somaliland dadka ugu mushaharka badan, waxaanad u dhaxaysana dadka walaalahiina ee baahan iyo ha’yadahaas caalamiga ah, waxaanan idin leenahay lacagta inta idiin xalaasha ah waa inta aad mushaharka u qaadataan.”

Ugu danbayntii waxa uu madaxweyne ku xigeenku hadalkiisa ku soo gunaanaday sidan “ Qolada sadexaad waa ururada (NGOs) waxaana leeyahay waxii umadan laydiinku dhiibo sidooda u soo gaadhsiiya, waxaan ognahay boqlaal mashaariic ah oo dadkii loo soo qaaday aanay boqolkiiba labaatan ka soo gaadhin ee runta aynu isku sheegno, hadii aynaan isa-saxin oo umadeena u gargaarin ilaahayna inoo gargaarimaayo.”