Mucaaradka Dalka Togo Oo Dumarka Ugu Baaqay In Ay Dhigaan Mudaharaad Ay Muddo Toddobaad Ah Raggooda Kaga Fogaanayaan : Diyaariye Kamaal Axmed Cali

0
598

 

ucarLome- Tallaabo dad badan ka yaabisay ayaa ay noqotay markii hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka ee dalka Togo Isabelle Ameganvi toddobaadkan dhexdiisii ay dumarka dalkeeda ugu baaqday in ay ka mudaharaadaan xidhiidhka jinsiga ah ee saygooda muddo toddobaad ah, si ay u muujiyaan cadhadooda ku aaddan dad mudaharaadayaal ah oo ay dhowaan xukuumadda dalkaasi xabsiga u taxaabtay.

 

Booliiska dalka Togo ayaa tan iyo toddobaadkii hore waxa ay xabsiga dhigeen 100 ruux oo ah taageerayaasha mucaaradka, kadib markii uu iska horimaad dhex maray dadka dibad baxa samaynayey iyo ciidamada amniga. Dadkan mudaharaadayaa waxa ay ka cabanayaan tallaabooyin iyo xeerar doorashooyinka la xidhiidha oo ay dawladdu soo saartay maalmo yar ka hor doorashooyinka, kuwaas oo ay mucaaradku aaminsan yihiin in ay sahlayaan in xisbiga talada hayaa uu kuraas aqlabiyad ah ka helo doorashooyinka baarlamanka ee dhici doona bisha Oktobar ee sannadkan.

Isabelle Ameganvi markii ay dumarka u diraysay farriinta mudaharsaadkan ay ka rabto waxaa hadalladeeda ka mid ahaa, “Waxa aan ugu baaqayaa dumarka oo dhan, in ay joojiyaan xidhiidhka jinsiga ah muddo toddobaad ah, oo ay soon iyo salad wadaan, iyaga oo u ducaynaya walaalaheenna iyo raggeenna xidhan” iyada oo hadalkeeda sii wadata waxa ay Isabelle intaas ku sii dartay, “Laga bilaabo maalinta isniinta illaa Axadda dambe albaabada ka xidha ragga” mudaharaaddada noocan ah oo doodo xiiso badan iyo muranno dhinaca akhlaaqda ah dhaliya ayaa u eeg in kuwo sannadahan dambe ku soo biiraya hababka mudaharaad iyo cabasho muujineed ee dadka reer Afrika. Sannadkii 2003-da ayaa dumarka dalka Liberia waxa ay sameeyeen mudaharaad kan la mid ah oo ay ku doonayeen in ay ragga ku cadaadiyaan in la joojiyo dagaalladii sokeeyey ee dalkaas halligay, 2009-kii dumarka reer Kenya ayaa mudaharaadkan oo kale dhigay iyaga oo sheegay in ay doonayaan in masuuliyiinta xukuumadda dalka ee wadaagga ah ku qasbaan inay xalliyaan khilaaf siyaasi ah oo markaa u dhexeeyey, sannadkii horana (2011) qaar ka mid ah dumarka jasiiradda miyiga ah ee Mindanao oo ku taalla dalka Philippines ayaa ku kacay mudaharaad noocan ah iyaga oo doonaya in ay ragga ku qasbaan inay joojiyaan dagaalo iyo rabshado dhiig badani ku daatay oo jasiiradda muddo ka jiray, dad badan ayaana aaminsan in mudaharaadkan dhinaca jinsiga ahi uu qayb libaax ka qaatay daminta colaadihii jasiiraddaa ka dhici jiray oo joogsaday bishii July ee sannadkan.

Haweenayda hoggaamisa mucaaradka dalka Togo waxa kale oo ay dumarka dalkeeda ugu baaqday in muddada uu mudaharaadku joogo ay xidhaan dhar isku midab ah oo casaan ah si ay cadhadooda u muujiyaan. Mudaharaadkan waxaa iska kaashanaya isbahaysiga xisbiyada mucaaradka ah oo ka kooban 7 xisbi iyo 9 ka mid ah ururrada bulshada. Isabella waxa ay aaminsan tahay in dumarka oo ragga ka dheeraadaa ay noqon karto hub lagu gaadho is beddel siyaasi ah.

Mucaaradku waxa ay madaxweynaha dalkaas Faure Gnassingbe oo muddo 40 sano ka badan ay qoyskiisu ka talinayeen dalka Togo ugu baaqayaan in uu xilka ka dego. Madaxweyne Gnassingbe waxa uu xilkan qabtay sannadkii 2005-ta kadib markii uu ka dhaxlay aabihii oo isna madaxweyne ahaa muddo 38 sano ah.