Wasiir Warancade Oo U Jawaabay Faysal Cali Waraabe

0
835

Picture5Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, ayaa guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe u soo jeediyay dhaliilo iyo digniino isbarkan.

Waxaanu Warancade sheegay in aanu Fasyal wax wada hadal ah la yeelan karin dawlada Somaliya, isaga oo ku eedeeyay inuu fariin qaldan uu ka gudbiyay hadalkiisii dhawaan uu warbaahinta mariyay jiritaanka Somaliland.

Waxa uu sidan ku sheegay Warancade isaga oo la hadlaayay warbaahinta waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Arrinta Faysal Cali Waraabe ka siidaayay warbaahintu waa arrimo keeni kara tuhun balaadhan oo ka muuqday hadalkiisa isla-markaana ku lid ah qaranimada Somaliland iyo gooni isku taaga Somaliland, wax haba yaraatee loo dulqaadan karana maaha. Faysal, wuxuu ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya,  arrintaasi waxaynu ognahay inay xidhnaan jirtay, laakiin golayaasha sharci dejintu sharci ka soo saareen ay u Madaxbanaanaynayaan Madaxwaynaha iyo xukuumaddu In  ay wada hadallo la furi karaan Somaliya, marar lagu daray Faysal guddida wada hadallada khasaare iyo tuhun badan baa ka soo baxay, ka dib markuu Faysal isaga oo ogolaanshihii ummada iyo Madaxwaynaha haysta uu shirar gaar ah Somaliya la galay, kuwaasi oo aan lala ogeyn, sidaa awgeed maantana guddida baxaysa waxa jira cid aan fulinta ahayn, waxaa ka mid ah golayaasha sharci dejinta”

Warancade oo sii hadlaayay waxa uu yidhi “Maaha wax la qaadan karo inuu yidhaahdo haddaan anniga la igu darin qaran ma jiro, macnaha qaran ma jiradaasi sharciga waxay keenaysaa dhadhan ama muuqaal halis ah oo qofku ku mutaysan karo cawaaqib xumo laga yaabo inaanu maanta dareemi karayn.Hadalkii Faysal wuxuu fariin qaldan u dirayey caalamka aynu ka doonayno ictiraafka, oo sawir aan ka jirin Somaliland ayuu gudbiyey Faysal, oo ah kalsooni daro, dawlad la’aan, hogaan la’aan iyo kala dambayn la’aan.Waxaan bulshada dareenka qaaday u sheegayaa inaanu Faysal awood u lahayn, wuxuu sheegayna isaga ayay ku kooban tahay, xitaa ma qabo in xisbiga UCID la qabo in Faysal ku hadaaqo Somaliya nin walba halkiisa wada hadallo ha kalagalo.Waxaan leeyahay warkaa uu sheegay Faysal waxba kama jiraan, lamana yeelan karo wax xidhiidh ah Somaliya, haddaanu odeygu u jeedin inuu fariin u dirto isku shaandheynta Xamar ka socota si loogu daro liiska.”