Baarlamaanka Puntland Oo Maanta Dooranaya Madaxweyne Iyo Ku Xigeen

0
786

Picture4Puntland(Geeska)-Musharixiinta ku loolamaya hogaaminta maamul gobaleedka Puntland shanta sano ee soo socda, ayaa shalay khudbado ka hor jeediyay baarlamaankii maamulkaas.

Musharaxiintan oo ah 21 musharax oo 11-kamid ah ay u ordayaan jagada madaxweynaha, ayaa jeediyay khudbado isku dhaw dhaw oo ay ku sheegayaan waxyaabaha ay qaban doonaan hadii la doorto iyo sida ay maamul gobaleedkaas u hogaamin doonaan.

Waxaana maanta la filayaa in uu baarlamaanku si rasmi ah u doorto madaxweyne iyo ku xigeen shanta sano ee soo socda hogaamin doona maamul gobaleedkaas.

Baarlamaanka maamul gobaleedka Somaliya ee Puntland ayaa ka kooban 62 xildhibaan waxaana lagu soo xulay dhawaan hab beeleed, maalmihii la soo dhaafay musharaxiinta u tartamaaya doorashooyinka Puntland ayaa iyagu eedaymo intooda badan u jeedinaayay madaxweyneha maamulkaas ee xilku ka sii dhamaanayo Cabdiramxana Faroole oo isaguna ku jira murashiinta tartamaaya.