Wasiir Warancade Muxuu Ka Yidhi Ciidankii Rasaasta Ku Dilay Wiilka Dhallinyarada Ah, Dad Kalena Dhaawacay?

0
550

Picture2Hargaysa(Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Guddaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa ka hadlay Dhimasho Iyo Dhaawac ka hadlay  iska jorimaad rabashado watay oo Hargaysa ku dhex maray habeen hore  Ciidan iyo dad shacab ah.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Warancade ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay bilicda iyo nadaafada dalka, waxaanu Ganacstada kala duwan ee soo dajiya Bacaha uga digay inay ka ganacsadaan Bacaha, waxaanu sheegay in laga gubi doono Bacaha, ka hadlaya yidhi  “Horta umadda ayaynu nahay Maalin kasta dhibaatooyin way Dhacaan,laakiin Arimahani maaha arimo Siyaasadeed iyo Arimo kale,waxa weeyaan dad dhul isku qabsaday oo ah imika Mushkilada inoogu wayn ee ina haysata oo qofna leeyahay waad igu soo durugta iyo ku gumaan soo durkin,halkan sida ay wararku igu soo gaadhayaan laba nin oo meherado haystay ayaa nin damcay inuu meeshii dhisto kii kalena soo dacweeyay,dabadeena ciidankii ayaa yidhi jooji inta la isku imanayo, markaas meesha khasaare ayaa ka dhacay waana la xalin doonaa. Aduunyada waad maqashaan oo wax way dhacaan booliskuna maaha malaa’ig way khaldami karaan waxna way sixi karaan,wixii khalad ay galaan anaga ayaa tunka ku qaadanay waanan ka daw baxaynaa,bulshadana waxaan jecelay inaan halkan uga jeedo boolisku waa booliskoodii in ay lashaqeeyaan ayaa waajib,dunidu waxa ay baan inaga saareen waxa mudaharaadka lagaga hortago oo iibkii la diiday. Wasiir Warancade ayaa mar uu ka hadlaly khasaaraha ka dhacay iska hor imaadkan ayaa yidhi “Inan waa uu dhintay saddex kalena waa dhaawac ciidanka waxa khasaare soo gaadhay todobo askari, halka aynu Nabad galiyada ka gaadhnay waa meel wanaagsan,waxaanan odhan karaa wariyaha su’aasha I waydiiyay maalin uu dalku ka wanaagsan yahay maanta majirto,lakiin waa ay dhacaan laba qof oo inta ay wax isku qabteen is dila”. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha ayaa mar uu ka hadlaayey bilicda iyo nafaada  iyo sidoo kale baaq uu u diray Ganacsatada iyo Maayarada dalka ayaa yidhi  “Nadaafada darada waxa marka hore abuura Baca Qaadka lagu rido ama Dumarku ku soo adeegtaan,waxaanan soo jeedin lahaa in umadu am bulshadu salada isticmaasho si looga guuro bacda oo dhib dalka ku haysa,dhibaatada ay inagu hayaan waxa ka kow ah in ay deegaankii iyo dhirtii qabsadaan in ay dhulkii wax ka soo baxayeen daboolaan,markaas markii latashaday waxa laqaatay in lajoojiyo bacdaas. waxa uu digniin u diray.halkan waxaan ka  ogaysiinayaa ganacsatada ka shaqaysa bacaha,wixii laga bilaabo bisha lixdeeda in laga gubi doono cidii soo dajisa dalka,cid loo cashuuri doonaana aanay jirin cid iibin kartaana aanay jirin.