Djibouti Oo Somaliland U Soo Magacawday Safiir

0
625

Picture1Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha dawladda Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geele ayaa markii u horaysay Somaliland u soo magacaabay safiirka dalkiisa u fadhiyi doona caasimadda Hargeysa.  Waa markii u horaysay ee ay dawladda Djibouti  safiir u  soo magacawdo Somaliland.

Danjirahan Djibouti Xuseen Cumar Kawaaleeye ayaa waxa Axadii madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Maxamed Xasan Siciid iyo wasiir-xigeenka qorshaynta Cabdikariim Axmed Mooge. Safiirka waxa wadanka Djibouti ka soo raacay wakiilka Somaliland ee Djibouti danjire Maxamed Warsame.

Dajiraha Djibouti oo ahaan jiray guddoomiye-xigeenkii baarlamaankii hore islamarkaana 20 sannadood ahaa xildhibaan Baarlamaanka ka tirsan oo hadalo kooban ka jeediyay soo dhawaynta magaalada Hargeysa ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay in loo soo magacaabo caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanu xusay inuu shacabka Somaliland salaam uga sido madaxweynaha Djibouti iyo shacabkiisa.