Ethiopian Airlines Oo U Muuqata Inay Joojisay Duulimadyadeedii Hargeysa

2
575

Picture6Hargeysa(Geeska)-Shalay waxay noqotay maalintii labaad ee aanay diyaaradda Ethiopia Airlines, ka soo degin madaarka Cigaal Airport. Waxaana Hargeysa ku sugaya rakaab tiro badan oo u kala gooshayay qaarado kala duwan, kuwaas oo ku xaniban magaalada Hargeysa.

Ma jiro wax war ah oo ay shirkadu ka soo saartay hakinta duulimaadyadeeda, sidoo kalena xukuumadda Somaliland afka ayay ka xidhatay inay ka hadasho arrintan. Waase markii labaad ee ay shirkadu toddobaad gudihii hakiso duulimaadyadeeda. Si rasmi ah looma garanayo sababaha shirkadda ku keenay inay baajiso duulimaadyadii ay Hargeysa ku iman jirtay, waxas lala xidhiidhinayaa laba qodob midkood.

Waa marka koowaad’e dadka qaar ayaa ku doodaya inay shirkadu duulimaadyadeeda u hakisay arrimo la xidhiidha dhinaca ammaanka, waxaana la sheegayaa inaanay xukuumadu fulin balan ay u qaaday wakhtigii ay diyaaradani dalka duulimaadyada dib uga bilaabaysay, kaas oo ahaa in siliig dayr ah lagu wareejiyo garoonka Cigaal. Siliiga ayaa wuxuu yaalaa garoonka, laakiin lama garanayo sababta loogu wareejin waayay si uu xayn daab ugu noqdo garoonka.

Waa marka labaad’e hakinta duulimaadyadani waxay ku soo beegantay iyadoo dib loo furay madaarka Cigaal oo ay xukuumadu sheegtay in dhabihiisa lagu sameeyay dayactir. Dadka qaarkii waxay sheegayaan inay shirkadu saluugtay qaabka loo dayactiray dhabaha garoonka.

Warar aan la xaqiijin Karin oo soo baxaya ayaa sheegaya inay xukuumadu maanta u dirayso Itoobiya, xubno wasiiro ah oo dawladaas kala soo xaajooda talaabooyinkan soo noqnoqday ee ay diyaaradu qaaday oo dabcan dhibaato ku ah dadka rakaabka ah. Wasiirada Itoobiya tagaysa ayaa kala ah arrimaha gudaha iyo duulista Cali Warancade iyo Maxamuud Xaashi.

Comments are closed.