Wasiir Shukri Baandare Oo Cadaysay Qorshe Lagula Dagaalamayo Xaalufinta Dhirta

0
828

Picture3Hargeysa(Geeska):-Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo horumarinta reermiyiga Marwo:Shukri X.Ismaaciil Baandare ayaa daboolka ka qaaday in ay wadaan qorshe ay kula tacaalayaan sidii loo joojin lahaa xaalufinta dhirta ee muddooyinkii danbe sida aadka ah looga shidaayey dhuxusha,waxaana ay carabka ku dhufatay in  hada loo keenay shoolado badan oo tijaabo ah kuwaasi oo wax badan ka tari doona sidii loo joojin lahaa xaalufinta dhirta.

Marwo Shukri X.Ismaaciil Baandare ayaa hadal kan ka sheegtay shir-Jaraa’id oo ay ku qabatay Xafiiskeeda Magaalada Hargeysa,waxaana ay tilmaantay in ay ka wasaarada ahaan ay dadaalo badan ka sameeyeen sidii  loo joojin lahaa xaalufinta dhirta.

"Meel aad u fiican ayaa ay taasi maraysaa waxa weeye waa aynu la soo bilawnay in aynu dhuxushan wax ka qabano waayo waxaa aynu badbaadinaynaa waa Kaymihii,kaymana dee ma haysano waad aragteenoo dee dalkeenu waa dal saxare u eeka ah oo had iyo jeer waa dalalka la yidhaahdo Saxaraha ayaaba uu ku dhaw yahay oo roobkuna uu aad ugu yar yahay oo dee waxaa markhaatiba inoo ah Abaarahan dee Waddankiiba aad moodo in uu sii galaayo roob yaraan tii inagu dhacday doorkan Gugan,Hadaba si aynu kaymihii iyo dhirtii aynu u badbaadino waa in aynu helnaa dhiniciii kale oo aynu kor u soo qaadnaa in aynu helno shoolado ama wax inoo badala oo ah tamar inoo badasha dhuxushii,meel wanaagsan ayaa ay taasi maraysaa dadkuna waxaad moodaa in ay imika ay la soo qabsanayaan tamartii wacyi galin fara badana waanu ku samayna magaaladana Xooga ayaa loo keenay shooladihii oo kala jaad ah”Ayey tidhi Marwo:Shukri X.Ismaaciil Baandare

Wasiirka Deegaanka Iyo Horumarinta reer miyiga oo hadalkeeda sii wada ayaa waxaa ay tidhi:“Todobaadkan aynu imika ku jirnana waxaa la keenay Shoolado yar yar oo runtii laga isticmaalo Itoobiya buug yarna waa ay wadataa oo si fiicana wax ayaa ay kuugu karinaysaa,Sixirka ay itoobiya ka taagan tahayna waa ilaa $20,markaa imika dee tijaabo ayaa un loo keenay oo dee dadkeenii aya marba wax keenaya waliba tani reer miyigana aad ayaa ay u anfacaysaa,Sida oo kale isla maanta oo sabti ah waxaa baxay Koox qaybinaysa oo ay maal galisay shirkada la yidhaahdo Genel Energy ee Patrolka oo ay iyaga qudhooduna ay haayada Ambicom ay iyaguna bixinayaan,markaa waxaa ay ka bixinayaan Daad madheedh,Togdheer iyo Saraar waxaana ay noqonayaan ilaa 3500 oo xabadood,waxaana la siinayaa tuulooyin fara badan oo mucayin ah Burcana laba meelood oo ay qaxoon tigu ay dageen ayaa laga bixinayaa markaa waxaa ay ku tusaysaa dagaalka adag ee aanu kula jirno dhuxusha waxaanan (Wonder Back) waxii ka danbeeya aanu kala talinay in shoolado la qaybiyo oo dadka la siiyo oo shooladaha kale marka la qaybiyo wax ku ool dheer ayaa ay iyagu inoo noqonayaan  markaa dee Barnaamijkaasi waaa uu socdaa waxaa kale oo dee aynu sugaynaa oo aynu u wada taaganahaya SOMGAS goorta ay iyaga qudhoodu ay jabinayaan oo ay xoog usoo jabinayaan oo ay haantu hoos marayso Labaatanka Dollar".

Marwo:Shukri X.Ismaaciil Baandare Wasiirka waxaa ay sida oo kale ay ka hadashay warar ay maanta qoreen qaar kamida warbaahinta dalka taasi oo ay odhanaysay in ay Somaliland tahay barta Xudunta u ah meelaha sida aadka ah looga dhoofiyo Xayawaanka Duurjoogta ah,waxaana ay iftiimisay in ay Xayawaanka duurjoogta ah ay si sharci darro ah dalka looga dhoofiyo balse ay beesha Caalamku ilawsan tahay waxii ay ka Xukuumad ahaan ay ka qabteen sidii loo joojin laha dhoofinta Xayawaanka Duur Joogta ah,isla mar ahaantaana ay ka soo saareen baaqyo ay ku joojinayaan in aan la dhoofin Xayawaanka duujoogta ah.

"Waxaad moodaa in Lixdii bilood ee u danbaysayba aad moodo in ay isasoo taraysay run ahaantiina dee horta dee waxna waa ay ka jiraan oo marka la leeyahay waa la dhoofiyaa dee waa la dhoofiyaa oo dee Harimacadkuba waxaa uu ka tagaa dee Xeebaheena qaar kamida ayaa uu ka baxaa,ha kabaxee dee marka la soo qabto ama ay soo qabsadaan halka ay inta badan ay u sii dhoofiyaan waxaa ay noqotay inta badan dee waa yaman deedna wadamadaa kale ayaa loo sii dhoofiya,waxaa jirta hadaba inagu ka dawalad ahaan intan uu baraarugeedu fara badatay maxaa aynu ka qabanay waana taas ta aduunyadu aanay la soconin ee aynu ka qabanay ama dee aanu damacsanahayn in aanu ka qabano oo sii xoojino ayaa aanay wali la soconin bishii September 2013-kii baaq baanu soo saarnay aanu ku joojinaynay wakhtigaasi in aan la dhoofin karin Ugaadha qofkii lagu qabtana in Maxkamad la soo taagi doono iyo in la ganaaxayo lana qasirayo baaqaasi inbadan ayaanu ku celcelinaynay Warbaahinta,Imikadana waraaqdaa aan hayo,Waxaanu soo saarnay bishan oo aanu soo saarnee runtii xoojin kale ayaanu ka dhignay oo intaasoo dhan oo kale oo Haayadood oo uu Madaxweynuhu ku jiro ayaanu soo saarnay oo aanu ku celcelinayno oo aanu leenahay waa sharci darro ciddii lagu qabtaana dee Ciqaab ayaa ay mudanayaan”.Ayey tidhi Marwo:Shukri X.Ismaaciil Baandare.