Hargeysa: Caasimad Madaw Oo Ka Hadhey Caasimadaha Dunida

0
1293

Picture2Nasiib wanag waxa ii noqotay inan kusoo noqdo magaaladaydii oo  ah  Caasimada dalka hooyo .taas oon mudo dheer ka maqnaa duruufo awgood ,waxaan u jecelahay sidii uu Mustafaa (s.c.w) u jeclaa Maka.

Qof admi ahi maqiyaasi karo sida aan ugu soo farax saan inuu Rabi

dalkeygii hooyo igu soo celiyo waan Rabi mahadii .markii aan habeenkii

seexday waxa igu dheeraday waagi waxaan markii uu waagi bar yey u diyaar garowey inan tax –taxaasho magaalada ,dadkii ehelkii isoo bookhday ayaan ka cudur daartey inan lasii joogo dabadeed waxaan xuley magaaladii .nasiib daro waxaan la kulmay  sawir ka duwan sawirkii tiifiyada (tvs) la inaga tusi jiray mid aad iyo aad uga gan bisan waxaan  waayey wadooyinkii quruxda badnaa ee maalin walba la inaga tusi jiray iyadoo lafurayo tiifiyada ,waxaan is idhi malaha xafadada ayaa sidana daba deed waxaan u kacay xafadahii kale magaaladiina meelo badan ayaan ka tagey waxaan tagey xafadihii hore sida Ahmed guray,Cabaaye ,labada xero awar ,Laanta hawda ,qudhac dheer ,siinay , new hargeysa ,jig-jiga yar ,Goljano i.w.m. waxaan aad iyo aad uga xumaaday magaladan caasimada lagu sheegayo eed moodo gudaafad xashiish weynaatay waxaan xasuusta mar uu ku tagey qoraagii caanka ah ee RJ oreka casimada dalka (ALBANY) sagaashanadii taas oo uu ku sifeeyey caasimada madaxa ku socota hadaba waxaa is weyndiin leh ummadani miyeyna muslin aheyn ooyna diintooda xaneefka ahi farin in ay tahay nadaafadu mina iiman ,waxaa is weyndiin dadkii loo igmaday magaalada inay xukumaan maye ,waxaan kaloon soo ogaadey in maalin

kaste ay muwadinintu bixi yaan caashur qaali ah oo hadii ay bixin waayan albabka lafuranayo ,hargeysa waxay noqotay magaalo miyi iyo magaalyinkii kale ee Somaliland iyo dunidaba looga soo haajiray laakiin aan hore iyo danbaba aqoon yahan keeda iyo axsaabta siyaasaduba usameynin qorshe lagu xukumo ama lagu hore mariyo hargeysa waxaa halkaas dhigay siyaasiyiinta keeney dad aan tayo iyo talo laheyn inay manta xukumaan. inay noqoto gudaafad xashiish qof waliba siduu doono ayuu yeela .qurbo joogta gobolada ka timaada iyagu waxay ku dagaan hudheelada waa weyn meelaha tijaartana way fadhiistan ,siyaasiyiinta iyo tijaartuna baabuur ayey ku maraan (weyl raaxo joogta ku dabaalata wabi maba oga wakhtiga dhacay) qaybaha kale maciishada ,saxada ,bilicda ,amniga ,cadaalada i.w.m waxaan idiinku soo gudbin doona qaybaha kale ee qoraaladeyda.

Waxaan u rajeynayaa dadkeyga iyo dalkiisa horumar iyo cadaalad

Inuu Rabi siiyo dhibta iyo foqorkana ka dulqaado qabiilkana quluubtoda ka maydho midnimadana garansiiyo .

Nasir x. ciise (ina geeljire)

SSnasirgeeljire@hotmail.com