Wasiir Samaale Oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Ka Difaacay Eeddaha Musuq-maasuq Ee Lagu Barbar Dhigo Xukuumadii Hore Ee UDUB

0
596

 

Picture6Hargeysa(Geeska)-Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa si adag u difaacay eedaymaha musuqmaasuq ee loo jeediyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee uu ka tirsanyahay.

 

Wasiir Samaale, oo shalay saxaafadda kula hadlay kormeer uu ku tagay kastamka kalabaydh oo uu soo indho-indheeyay, ayaa wuxuu sheegay inay yihiin dad been sheegaya kuwa  ku doodda inuu musuqu kordhay mudadii ay jirtay xukuumadda KULMIYE, waxaanu ka codsaday inay cadaymo rasmi ah keenaan.  “Qofka bini-aadamka ah ee  caymatayaa afka caytamayaa isaguu ku yaalaa.” Ayuu yidhi Wasiir Cabdicasiis Samaale, waxaanu intaas raaciyay “Qofka yidhaahda lacag baa la xaday waxa fiican  inuu sheego meesha laga xaday iyo cidda xaday, jawaabtana markaas ayuu qofka jawaabtaas lihi bixin lahaa, laakiin maarkuu qofku yidhaahdo xukuumadani waxbay xadaa oo xukuumadii hore iyadaa ka musuqmaasuq badan, qofkaasi qof run sheegaya maaha, waa qof been sheegaya.”

Wasiir Samaale, wuxuu sheegay in mudadii uu KULMIYE talada hayay ay dakhliga iyo miisaaniyaduba kordheen, “Waxaad ogtihiin dakhliga dalku inuu kordhay, miisaaniyadda dalka 46 mliyan, ayaa laga soo qaaday,  waxay maraysaa 150 Milyan.” Ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Inkastoo Wasiir Samaale, xukuumadda uu ka tirsanyahay ka difaacay eedaha musuqmaasuq ee mucaaradka ka soo yeedha, haddana waxa ay bulsho badani aaminsantahay in musuqmaasuqa oo loo adeegsanayo xeelado badani uu ka dhex jiro xukuumadda KULMIYE. Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Umadda Dr. Maxamed Cabdi Gabose, ayaa dhawaan sheegay inuu musuqu aafeeyay xukuumadda Siilaanyo, “Waxaan aaminsanahay musuqmaasuq inuu aafeeyay  xukuumaada siilaanyo.” Ayuu yidhi Gabose oo xukuumaddan ka ahaa Wasiirka arrimaha gudaha.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa isna cabiray dareenka uu ka qabo musuqa iyo xukuumadda KULMIYE, waxaanu yidhi “Qaylo badan ayaa jirta, oo dibad iyo gudaba waa la qorayaa oo wax la leeyahay musuqmaasuqii faraha ayuu ka baxay. Haddaan wax laga qabana dhibaato weyn ayaa wadanka ku iman doonta, oo inay dadkii qaarna lacagaystaan qaarna bakhtiyaan, oo awoodii dawladeed lagu tagrifalo, oo wasiirku ka sareeyo sharciga, ilaa hay’adihii inala shaqaynaayay ayaa cabaadaya oo leh musuqmaasuqii ayaa cirka maraaya, markaas waa ceeb oo waa wax cusub oo inagu bilaabmay.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro) oo ka mid ah culimada Somaliland ayaa isna salaadii Jimce ee toddobaadkan dhammaanaya ku soo hadal qaaday musuqa iyo xukuumadda Somaliland, waxaanu ydihi “Waxan laysugu laynaayo madaxtinimada dadkeenu isma waydiinayaan, ninkii shalay kabaha la’aa intaas oo guri iyo intaas oo gaadhi ayuu leeyahay, carruurtiisiina jaamacado dibada ah ayuu  u dirayaa. Nin walibana kaas uun buu eegnayaa.” Waxaanu Sheekh Aadan intaas raaciyay “Musuqiibaa waliba imika la sii cilmiyeeyay, kuwii hore ee wadanka haystay way yara farsamaysnaayeen oo waxooda waa la arki jiray, laakiin imika waxa soo baxay niman xarfaan ah, waxna lama arkaayo meel wax lagu kala qaatayna arki maysid, mar danbe ayuubay sanqadha baxaysaa meel kale ka baxdaa, iyagana waxaan leenahay illaahay xaqa hagaransiiyo.”