Nooca dhiiggu waxa uu Saamayn ku leeyahay caafimaadka wadnaha

0
561

 

kamaalWashington- Daraasad cusub ayaa lagu ogaaday in nooca uu dhiigga qofku yahay ay saamayn ku yeelan karto xaaladda caafimaad ee wadnihiisa, daraasaddu waxa ay tilmaamtay in dadka uu nooca dhiiggoodu yahay, A, B ama AB in ay inta badan u nugul yihiin xanuunnada wadnaha ku dhaca. Barta Internet ka ee Heath day News oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in cilmi baadhayaal ka tirsan jaamacadda magaca weyn ee Harvard ay ogaadeen in nooca dhiiggu uu raadayn ku leeyahay xanuunnada wadnaha ku dhaca, laakiin waxa ay sheegeen in ay suurtogal tahay in lala dagaalamo xidhiidhka ka dhexeeya nooca dhiigga iyo wadne xanuunka oo ah xidhiidh dhinaca hidde-sidayaasha ah, khubaradu waxa ay hoosta ka xariiqeen in hababka looga hortagi karo uu ka mid yahay in qofku uu maro han cunto oo isu dheelli tiran, jimicsi inuu sameeyo iyo in uu si fiican u xakameeyo dhiig karkiisa iyo dufanka dhiigga.

 

Lu Kee oo ah cilmibaadhaha masuulka ka ahaa daraasaddan ayaa isaga oo sharraxaya natiijadan ay gaadheen waxaa hadalladiisa ka mid ahaa,

 

“Natiijada aanu gaadhnay waxa ay ina tusaysaa muhiimadda ay leedahay in qofku uu marka hore garto nooca uu dhiiggiisu yahay, si uu u ogaado halista uu u yahay xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo halbawlayaasha dhiigga”

 

Lu Kee oo hadalkiisa sii watay waxa uu sheegay in inkasta oo ay khubarada caafimaadku talooyin ku aaddan qaabka khatarahan lagu waajihi karo siiyaan dadka uu dhiiggoodu yahay noocyada kor ku xusan, haddana in ay lagama maarmaan tahay in ay dadkani mar kasta muujiyaan feejigni dheeraad ah si ay khatarta u yareeyaan.

 

Daraasaddan oo baadhitaankeeda la waday muddo 20 sano ah waxa ay khubaradu ku ogaadeen in dadka uu nooca dhiiggoodu yahay AB oo ah nooca ugu dhifsan noocyada dhiiggu ay khatarta ah in uu ku dhaco wadne xanuun boqolkiiba 27 uga dhow yihiin kuwa uu dhiiggoodu yahay O, sidoo kale waxa ay khatartani intaa kaga sii badan tahay dadka dhiiggoodu uu B yahay, iyada oo dadka dhiiggoodu uu A yahayna ay khatartu boqolkiiba 5 ka badan tahay kuwa kale.

 

Khubaradu waxa ay sheegeen in si ka duwan xanuunnada kale oo dhan aanay khatarta caafimaad ee la xidhiidha nooca dhiiggu ku xidhnayn, nidaamka cunto, da’da, jinsiga, nasabka iyo sigaar cabbista midna.

 

Daraasaddani waxa kale oo ay sheegtay in dadka uu dhiiggoodu A yahay ay aad ugu badan tahay kalastaroolka caafimaad ahaan khatarta ahi, halka dadka uu nooca dhiiggoodu O yahayna uu ka wanaagsan yahay wareegga dhiiggoodu isla markaana aanu inta badna yeelan xijiraha dhiigga wareeggiisa caqabadda ku noqda oo halis ku ah caafimaadka.