Hoggaanka Xaqsoor Oo Si Diiran U Soo Dhaweeyay Garaad Cabdicasiis Garaad Saleban

0
720

 

Picture1Hargeysa (Geeska)- Waxaa shalay magaalada Hargeysa si diiran loogu soo dhaweeyey Garaad Cabdicasiis Garaad Saleebaan Daahir Af Qarshe oo ka mida garaadada Somaliland, gaar ahaana deegaanada bariga.

 

Garaad Cabdicasiis Garaad Saleebaan Daahir Af-Qarshe ayaa ka soo degay dalka Itoobiya, kadib markii uu ka soo kicitimay dalka Uk ee uu fadhigiisu yahay, waxaana si diiran magaalada Togwajaale ugu soo dhaweeyey urur siyaasadeedka Xaqsoor, qaar ka mida qoyskiisa iyo garaado kale.

Munaasibad soo dhawayna ayaa lagu sameeyey Hotel Crown ee magaalada Hargeysa, waxaana halkaasi ka hadlay gudoomiyaha ururka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac iyo garaad Cabdicasiis Garaad Saleebaan Daahir Af-Qarshe.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha ururka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac, waxaanu si qalbi furan ah ugu soo dhaweeyey dalka, waxaanu in badan ka sheekeeyey taariikhda iyo doorkii uu Garaad Saleebaan Daahir Af-Qarshe ka soo qaatay halgankii dheeraa ee dalka lagu xoreeyey, waxaanu yidhi

“Farxad gaara ayey ii tahay in aan maanta walaalkay Garaad Cabdicasiis Garaad Saleebaan Daahir Af-qarshe ku soo dhaweeyo dalka.  Soo dhawayntaas kadib wuxuu gudoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor wuxuu in badan ka sheekeeyey taariikhda iyo waxyaabihii lagu xasuusan doona Garaad Saleebaan Daahir Af-qarshe, kaas oo uu sheegay inuu qayb ka soo qaatay halgankii dalka dib loogu xoreeyey”.

Garaad Cabdicasiis oo ka hadlaayey qaabka soo dhawayntiisa ayaa ugu horayn yidhi

“Maanta farxad weyn ayey ii tahay aniga oo nabad qaba, dalkaygii iyo dadkaygii oo nabad qaba in aan u imi, soo dhawayntaydu may ahayn oo kaliya Hargeysa, waxaa laygaga horyimi Togwajaale oo xisbigan xaqsoor madaxdiisa iyo qayb ka mida caa’ilayda ay igu soo dhawayeen. Gabiley waa laygaga hor yimi, kaantaroolka Hargeysana waa laygaga horyimi, gudoomiyuhuna wuxuu igu sugaayey madashan quruxda badan ee Hotel Crown. Runtii waa mid aanu ka filaynay dadkayga iyo ururkaygaba”.

Geesta kale garaad Cabdicasiis ayaa sheegay in Somaliland wali ku dhisantahay qaabka beelaha, waxaanu yidhi

“Somaliland in kastoo ay labaatan jirstay hadana waxay nasiib daro wali ku dhisantahay qaab beeleed, markaa waxaan garan karaa in maanta ururkani yahay ururkii ay beeshaydu lahayd iyo ururkii ay ku lahayd qaranka Somaliland. Hadaad aragtaan garaado badan oo ururkan joogo ama imanayaa waxaad ogaataan inay yihiin kuwii u ehelkaa ahaa”