Wasiir Samaale Oo Si Cad U Soo Bandhigay Murashaxnimadiisa KULMIYE Iyo Nuxurka Khudbad Macnayaal Badan Oo Uu Jeediyay

1
506

 

Picture9Hargeysa(Geeska)-Wasiirka maaliyadda xukuumada Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa shalay soo bandhigay hamigiisa uu ku doonayo inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo weliba murashaxa xisbiga, marka uu Madaxweyne Siilaanyo wakhtigiisu u dhammaado.

Wasiir Samaale, ayaa hadalkan ka sheegay hadhimo sharafeed uu shalay u sameeyay dadweyne tiro badan oo ka soo jeeday Beelaha Sacad Muuse ee uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, waxase uu cadeeyay inaanu marna la tartami doonin Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, oo uu tilmaamay inuu ixtiraam gaar ah u hayo. Kulankaas wuxuu  Wasiiru maaliyuhu ka sheegay inaanu wasaaradda maaliyadda u imanin inuu dhaqaale ka urursado, “Balse waxaan u imid.” Ayuu yidhi inaan umadda u shaqeeyo, waxaanu tilmaamay inaanu hamigiisu ku koobnayn wasaaradda maaliyadda balse uu qorshaystay inuu mar uun noqdo Madaxweynaha Somaliland.

Mar uu ka hadlayay xisbiga KULMIYE, wuxuu sheegay inuu ka mid yahay aasaasayaashii xisbiga, haddana aanu cidna ka sheegin, “Xisbiga kulmiye, waxaan idiin sheegayaa inaanan qofna ka sheeganayn, kii shalay ku soo biiray iyo kii ugu horeeyay inay agtayda isugu mid yihiin, rag badan oo xisbiga magac ku leh inay Cabdicasiis ugu yimaadeen haddana aanu simanahay oo damac isku mid ah aanu leenahay. Waxaan saaxadda  siyaasadda ku soo dhawaynayaa qof walba oo walaalkay ah oo tartankaas lagu jiro ka mid ah, kaan ogahay iyo kaanan ogaynba waan ku soo dhawaynayaa. Waxay noqon doontaa saaxad lagu tartamayo, tartankaasi yaanu inaga qaloocsamin ama inaga xumaanin, ha noqdo mid saaxiibtinimi oo si walaaltinimo loo tartamo, taasaan balan qaadayaa, waxaanan balan qaadayaa inaan soo dhawaynayo qof kasta oo reer Somaliland  ah oo mansabkaan maanta hiigsanayo doonaya ha noqdo ka guddoomiyaha xisbiga kulmiye oo shirkiisu soo dhowyahay oon diyaar u ahay inaan isu taago ama ha noqdo ka kursiga oo isagana laba sanno iyo badhi inooga hadhay.”

Wasiir Samaale, wuxuu si cad u sheegay inaanu marna la tartami doonin Madaxweynaha, balse marka ay mudadu ka dhammaato uu noqon doono murashax. “Axmed Maxamed Siilaanyo garbihiisii  uu ku duulayay mid ka mid ah ayaan ahaa, hore ulamaan tartamin, imikana inaan la tartamo diyaar uma ihi, waxaanse diyaar u ahay maalinta Axmed meeshaasi ka dhammaato inaan isu taago jagada madaxweynaha.” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Samaale oo hadalkaas ku kasbaday sacab tiro badan, waxaanu isagoo hadalkiisa sii uu yidhi “Qof kasta oo tartan naga dhexeeyo inaanu si walaaltinimo, saaxiibtinimo ah u tartano oo kaayaga badiya la dhiso ayaan diyaar u ahay. Halkan waxaan ka balan qaadayaa cid kasta oo si xalaal ah xisbiga gudihiisa igaga guulaysata ka dhisi doona inaan ahay, inaanan ku meeraysan doonin inaan meelo kale dabada geliyo.”

Samaale, wuxuu tilmaamay inuu ka mid yahay aasasayaashii xisbiga, waxaanu sheegay inuu xisbiga geliyay wakhti badan, “Dad badan oo aanu xisbiga ku walaalownay ayaa jira, idinkaa iiga markhaati ah, waxaan isleeyahay malahaa odaygaa Axmed ayuun b aan isleeyahay wuu kaa mudanyahay, laakiin cid kasta oo kale oo aanu xisbigaas ku wada jirno sidaasoo ay tahay waxaan u qirayaa inaanu garbo siman nahay, ma doonayo inaan ka sheegto xisbiga, mana ogolaanayo in layga sheegto, xisbiga cid ka sheegan maayo, cidda xisbiga gudihiisa lagu tartami maayo tidhaahdana qof fule ah ayaan u arkayaa.”

Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale, wuxuu madashaas hadalo kaftan ah kaga tuuray guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Wadani, oo uu sheegay inuu yahay qofka keliya ee ka badin kara marka Mudane Cirro uu xisbiga Wadani murashax u xusho “Waxaan isleeyahay saaxiibkay Cabdiraxmaan Cirro ninka la tartami kara ee ka guulaysan kara ayaad tahay, waa iga kaftan, ma joogo meesha, saaxiib baanu nahay, waanan soo dhawaynayaa oo u hambalyaynayaa inuu ku guulaysto, cid aan aniga ahayni hadday kulmiye ku guulaysatana cidaana waan u hambalyayn doonaan, waanan dhisi doonaa.”, waxaanu intaas raaciyay soo dhawayn uu ku qaabilay ururada Rays iyo Dalsan oo dhawaan ku soo biiray xisbiga KULMIYE, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin cudud xoogan oo KULMIYE ku soo biirtay.

Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale, wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday weedhahan “Waxaan halkan ka balan qaadayaa inaan diyaar u ahay cidda xisbigaas kulmiye si xalaal ah igaga guulaysata inaan dhisi doono, waan ku celinayaa, doorashooyinka soo socda, ka guddoomiyahaa lagu tartami doonaa, dabadeedna ta murashaxaa iman doonta, dabadeedna ta bulshada codka laga doonaya ayaa iman doona, intabana qofka Alle u qoro ayaa ku soo bixi doona.”

Waxaanu ugu dambayn yidhi  “Munaasibadan inaan cid ku dhaleeceeyo iyo inaan cid ku dhaliilo iyo inaan cid wax kaga sheego umaan qaban, waxaan u qabtay inaan idiin sheego hanka aan leeyahay  hadduu idinka iibsamo, hadduu idinka iibsami waayana cidda kale ee inaga iibsamaysa waa inaan taageernaa.”

Kulan uu Wasiir Samaale, shalay qabtay wuxuu ka dambeeyay hadhimo sharafeed uu isna guddoomiyaha KULMIYE khamiistii qabtay, taas oo la xidhiidhay u ololaynta hamigiisa hoggaaminta KULMIYE, marka la gaadho shirweynaha xisbiga.

Comments are closed.