Dil Loogu Hanjabay Mudane Baarlamanka UK Oo Muslim Ah

0
662

 

London (Geeska/DM)- Xildhibaankii ugu muddada dheeraa baarlamaanka UK oo muslim ah ayaa loogu hanjabay in la dili doono kka dib markuu ogolaaday cod loo qaadayey xeer fasaxaya in raggu is-guursadaan.  

Ciidamadda booliiska ayaa gaadhsiiyey, Sadiq Khan, oo xisbiga shaqaalaha mucaaradka ah, u metela wasiirka Cadaaladda in hanjabaadu dhab tahay, isla markaana dib u qiimayn uu ku sameeyo amaankiisa iyo ka qoyskiisa, ka dib codeyntii dhowaan.

Xildhibaankan aya au sheegay saaxiibkii dhow, inuu aad ugu werwerayo qoyskiisa, ‘Qoyskayga looma baahna inay dhibaatayso, sabab shaqadayda la xidhiidhay. Hore hanjaabadan oo kale ima soo marin.’

Mr Khan oo ku jiray 400 xildhibaan, shan muslim tahay ayaa ogolaaday sharci fasaxayey in raggu is-guursan karaan horaantii bishan. Balse, arrinkaa ayaa ku keenay inay dhaleeceeyaan cullimadda islaamka Ingiriiska, oo ku eedeeyey “Inuu iibiyey diintiisii’

Wadaadka imaanka ka ah masaajid jaamaca Riviza, ayaa fatwo uu soo saaray ku sheegay in Mr, Khan, ridoobay, isla markaana ilaahay u toobad keeno.

Mareegaha wararka ayaa qaarkood lagu daabacay, sida Izharudeen.com, digniin ah, “waxa la gaadhay xilligii lala xisaabtamayey xildhibaanka ridoobay, ee u bedelay arrin Ilaahay xaaraantimeeyey xalaal, isagoo ogolaaday in raggu is-guursado.

Saraakiisha amaanka ayaa ku sheegay marka wadaadadu qof ku sheegaan inuu ridoobay, waxay u sahlaysaa dadka kale inay bannaystaan weerarkiisa.