Hargaysa( Geeska )-Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Md.Maxamed Nuur Caraale ( Duur ), ayaa daboolka ka qaaday inay dad badan u hayaan falal argagaxiso, isla markaasna guud ahaan hawlgalo joogto ah oo dalka laga sameeyo ay ku qabtaan dad hor leh, balse ay meesha ka saareen inay warbaahinta u soo bandhigana dadkaas, badalkeedana ay geeyaan maxkamadaha si danbigu ugu cadaado ama loogu waayo.
Waxa kale oo uu wasiirku warbixin mug leh ka baxiyay kulankii ay beesha Ciise kula yeesheen Saylac, waxaanu xusay xeerbeegtida beeshaasu in ay cadeeyeen in aanay marnaba aqbalayn natiijada ka soo baxday doorashadii deegaanka, balse waxay qaateen in deegaanku uu ahaado nabad, maamulkuna shaqeeyo, waxaanu ugu danbayntii wasiirku sheegay in xukuumadu ay wakhtigan ku guda jirto sidii loo fulin lahaa saami beeshaas uu madaxweynuu u balan qaaday.
Waxa uu wasiirka arimaha guduhu sidan ku sheegay mar uu hortagay golaha guurtida ee Somaliland oo xildhibaanada golahaasi ay su’aalo waydiiyeen. Waxaana ugu danbayntii uu shaaca ka qaaday inay qorshaha ugu jirto sidii ay mar labaad dalka uga raafi lahaayeen dadka soo galootiga ah.
Wasiir Duur oo ugu horayntii xildhibaan Axmed Dirir Waydiiyay intii ay soo baxeen cabsida dhanka amaanka ay reer galbeedku ka muujiyeen cid ay falal argagaxiso u qabteen waxa uu yidhi “ Waxaan halkan ka cadaynayaa hawlgalada ciidamadu inay joogto yahiin,hal waanu iska daynay xubin kasta oo argaraxiso lagu tuhmo inaan warbaahinta keeno, haddii aanu keenana waxay noqonaysaa wax aanay dadku jeclaysan doonin waayo habeen kasta iyo hawlgal kasta oo la qaadaba cid baa la qabtaa, laakiin maadaama oo aynu garsoorkii leenahay oo uu garsuge yahay waxaanu u gudbinaa maxkamadii ku shaqo lahayd waxii cadayn ah ee aanu ka helnaynana waanu raacinaa, markaas waxaanu iska daynay in inta aanu warbaahin soo fadhiisano aanu nidhaahno xalay ciidamadu hawlgal ay meel heblaayo ka sameeyeen waxaanu ku qabnay hebel oo fal argagaxiso loo qabtay ah.Waad ogtahiin Laasacaanood waxa ka dhaci jiray falal dil ah oo socda lama soo afjarin laakiin waxa markii koowaad la qabtay iyada oo falkii la fulinaayo, dad badan ayaana loo hayaa Laasacaanood oo qirsan inay muddo badan falalkaas ka soo shaqaynayeen qaarna ay wali hadheen, halkan habeen iyo maalinba dad baa la qabtaa ama hala tuhmo ama fal halagu qabto markaas dad badan ayaanu haynaa.” “ Waxa kale oo aan idiin sheegayaa aduunka nabadgalyada guud waa layska kaashadaa, wardoonka dunida kale waa sababta warka aanan hayn ay iyagu u helayaan waayo awood teena ka badan ayay leeyahiin oo ay hayaan, sababta wardoonku aduunka ugu filiqsan yahay maaha inay maslaxada dalalkaas kale ka shaqeeyaan ee nabad galayada dalkaas uu leeyahay waxa uu ilaalin karaa marka uu ilaaliyo nabadgalayada dibada, markaas aduunyada kalena kama maaranto gacan saar, hadana waxa noo socota wada shaqayn horena waa ay noogu socotay, waxaanan rajaynayaa in go’aanada ka soo baxi doona dhawaan ay ka duwanaan doonaan kuwii hore.”
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin ( Dheeg ), ayaa dhankiisa wasiir arimaha gudaha waydiiyay bal inay jiraan qorshayaal ay doonayaan inay dalka kaga saaraan dadka soo galootiga ah oo xildhibaankan uu ku tilmaamay kuwo dhib badan dalka ku haya “ Runtii soo galooti badan ayaa inaga soo gala dalalka jaarka ah Somaliya ayay inagaga yimaadaan Itoobiya ayay inagaga yimaadaan soo galootiga ugu badana waxa uu inaga soo galaa waa dalka Itoobiya, dal ahaan ma ogalin soo galooti culays ku saara waana sharci daro, oo waxa la yidhaahdaa soo galootigii sharci darada ahaa, markaas dadkan dalka soo galaa waa dad danyar ah oo dhaqaale raadis ah waana dad soo kordhin kara nabad galyo daro markaas ma ogalin.Wakhti wakhtiyada ka mid ah waanu raafnay hadana waxaanu doonaynaa talaabadaas oo kale marka mudo la joogaba inaan qaadno anaga oo war galinayna ciday khusayso, markaas insha allah arinkaas dib ayaanu ugu noqonaynaa oo waxbaanu ka qabanaynaa hadana waa qorshe noo yaala socod siintiisu.”
Ugu danbayntii waxa wasiir Duur oo ka jawaabaya su’aal uu waydiiyay mid mid ah xildhaanada oo ku saabsanayd cabashadii beesha Ciise waxa uu wasiirku si weyn faafhaafin uga baxiyay xal u helidii deegaankaas “ Selel waa gobal beelaha galbeed ee Somaliland ah dhamaan gobalada aynu ka soo jeednana ka tagi mayno inaynu beelo beelo nahaye waa beelaha galbeedka xiga, gobalkaas dadkii doorashadaas ku tartamayay laba beelood ayay xildhibaano uga soo baxeen, xildhibaanadii soo baxaynay waxa ku qanci wayday mid labada beelood ka mid ah, waxaanay keentay xaalad culays weyn leh, doorashada waxa ku dhawaaqay komishan oo anaga waxba ku maanu lahayn go’aan aanu wax kaga badali karaynaynana muu ahayn, waftigii loo diray oo aan ka mid ahaana laba hawlood ayay halkaas u tageen, midi waxay ahayd nabadgalayda sugideeda ta labaadan waxay ahayd socodsiinta maamulka dawliga ah, markaas beeshaas waxa tabatay inaan la hadalno oo la fadhisano oo aanu ku qancino In doorasho ay tahay wax aan dawladu go’aanba ka gaadhi karin oo go’aankeediina dhacay, balse xukuumada iyo madaxweynaheedu waxay goosteen in beeshaas waxii kale ee lagu soo jiidaayo la siiyo oo la qanciyo si aanay u dhacin kala fogaansho, marmar ayaad arkaysaa in wada jirkeena iyo walaaltinimadeena hadii aynu nidhaahno sharcigii waa shaci aynu ku kala tagayno markaas in dabac lagu daro sharcigii.”
Isagoo wasiirku hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Hawshaas labadii arimood ee aanu u tagnay waa ay noo fuleen oo waa nabad maanta Saylac,waxaanay beeshii garatay in tabashadeedii ay nabad ku socoto, qodabka labaadna waxa weeye maamulkii meesha ka jiray inuu shaqeeyo, laakiin qodabkii tabashada ee beeshaasi wali waa uu taagan yahay waxaanay leeyahiin waxaanu doonaynaa inaan ka wada hadalno oo aanu sii wadno kuma qanacsanin dagmada Saylac oo ah dagmadii ugu danbaysay ee aanu gacanta ku haynay inaad doorasho tidhaahdaan maayarkii ayaa laydinkaga helay ma ogalin waanay cadeeyeen taas, oo ma ogalin ayay yidhaahdeen, qodabkaas beeshaasi kumay qancin guurtiyeey, waxa kale oo muuqatay danaynta ay beesha Ciise imika danaynayso Somaliland inay ka weyn tahay sidii hore, markaas qodabkaasuna qodab go’aankiisu anaga noo yaalay muu ahayn markaas waxaanu goosanay beesha waxii saami ah ee xukuumad gacanteeda ku jira in loo huro beeshaas si walaalnimada iyo xidhiidhkii aanu u go’in, hadana waxa noo socda in beeshaas waxii madaxweynuu uu ugu balan qaady in la socodsiiyo oo waa maxay in ciidamadii loo qarameeyo, in maamulkii wax laga siiyo iyo in la soo jiido.”
Wasiir Duur, wuxuu yidhi “ Markaas nabadii waanu wadnaa qanacii iyo go’ashiisiina waxaanu ku nidhi odayaal naga waayo aragsan oo taariikhda dib u eega oo dhaqan yaqaan ah ayaa idinla kulmi doona, waxa naloo soo diray xeer beegtida ugu saraysa ee uu Ciise leeyahay, todaba ka mid ah ayaanu la kulanay waxaanay nagu yidhaahdeen waxaanu nahay lixda aqal ee beesha Ciise iyo Curadkii waanu dhanahay, dabadayana cid wax waydiin maysaan, ergadan naga qaada oo gaadhsiiya reer Somaliland, ma aqbalayno natiijada halkaas ka soo dhalatay waana go’aan( Doorashadii deegaanka ), dabadeedna waxaanu ku nidhi inta aynu isla ogalnahay aynu isla aqbalno, waxaynu isla aqabalynaa inay dunidu nabad ahaato, in maamulkuna inoo shaqeeyo oo aydaan is hortaagin, waxii tabasho ahina inay iska socdaan oo la dhagaysto, markaas tabashadaasu waa taagan waxaana insha allaah la magacaabi doonaa oo la diri doonaa xeerbeegti, xeerbeegtida beesha ciise ugu saraysana Gandaa la yidhaahdaa waana niman dhaqan leh oo dhaqankoodu adag yahay, hal dhibaatona waa ay jirtay Gandahu Somaliland ma fadhidee Itoobiya ayay fadhidaa markaas bal inay Saylac yimaadaan oo halkaas lagu garnaqsado oo guurti ay la kulanto iyo rag dhaqan yaqaan ah oo Xaaji Cabdi iyo insha allaah ay hogaamin doonaan markaas inta hadhay waa intiinii ( Guurtida ) ee anagu intayadii waanu soo qabanay.”