Wasiir Samaale Oo Madal Uu Madaxweynuhu Joogay, Weerar Afka Ku Qaaday Boobe Yuusuf Ducaale

0
507

Picture6

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa weerar afka ah ku qaaday wasiirkii hore ee warfaafinta Md. Boobe Yuusuf Ducaale, oo ay ka wada qayb galeen munaasibad shalay lagu furay xarunta SONYO.

Wasiir Samaale, oo wejigiisa laga dareemayay cadho badan ayaa munaasibadan oo uu madaxweynuhu goob joog ka ahaa wuxuu Boobe ku eedeeyay inuu iska indho tirayo wax qabadka xukuumadda, isagoo sidoo kale soo hadal qaaday kelmad uu Boobe hore u yidhi oo uu nuxurkeedu ahaa inaanu madaxweynuhu dalka ka talin. Hase yeeshe Boobe Yuusuf Ducaale oo madasha fadhiyay ayaan la siinin wax hadal ah taas oo guux ka dhex dhalisay dadkii madasha fadhiyay.  Wasiir Samaale, oo ugu horayn si toos ah u abaaraya Boobe oo dhawaan si rasmi ah ugu biiray xisbiga Waddani wuxuu yidhi  “Kalmadda ‘Laakiin’ Luuqada Carabiga waxa la yidhaa waxay baabiisaa wixii ka horeeyay oo dhan, Xukumaddu waxbay qabatay, Madaxweynuhu wuu wanaagsan yahay laakiin, Laakiintaasi waxay leedahay waxba ma jiraan.marka aad leedahay Madaxweynuhu waxbuu qabtay,xukumaddu waxbay qabatay dhismayaal bay samaysay Kalmaddaas(laakiin) aad ka dambeysiinaysaa waa Kalmadda Cudurka ah, waa Kalmada Indho la’aanta ah, waa Kalmadda Beenta ah waa Kalmadda u baahan dad badan in laga daweeyo” Wasiir Samaale oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxaa xaqiiq ah in waxqabadka Xukumaddu maanta meel fiican marayo, waa hubaal inaan aduunku maalin ku dhismayn, waa hubaal in meelkasta oo aynu gaadhno wax inaga dhiman yihiin laakiin waxaa la sameeyaa isbarbar dhig, waxaanu leenahay isbarbar dhig wixii hore ee la qabtay iyo waxaanu qabanay tii oo aanan Inkirayn wixii hore loo qabtay haddana 47 Milyan ayaanu ugu nimid Miisaaniyadda Dawladda,haddana waxay maraysaa 251 Milyan Abtigay Boobe ayaan u sheegayaaye, haddaad intaas (Eeg Bogga 7aad)

ii qirto oo aanad igaga masuugin waa wax wanaagsan”

Wasiir Samaale oo la sii hadlaya Boobe waxa uu intaasi raaciyay “Waa inaad qirtaa farqiga u dhexeeya 47 Milyan iyo 251 Milyan, adigu haddaad ka mid noqoto Xukumad soo socota waxaad qabanayso la sug laakiin waa inaanad Madaxweynaha wax ka sheegin oo aanad Odhan Madaxweynuhu dalka ma xukumo, yaa dalka Xukumma dalka haddaan Madaxweynuhu xukumin, isagaa Wasiirka Magacaaba Wasiirkana Bedela, markaa haddii lagu Bedelay, bedelaadu ceeb iyo cudur maaha,xilka intaas oo qof ayaa isa soo bedelaya cudqad in laga qaado maaha”

Wasiir Samaale isagoo Boobe la hadlaya islamarkaana si qaawan u weeraraya wuxuu yidhi  “Anagu wax qabad baanu sheegaynaa, shakhsi ma soo qaadno,waxa dadkii naga horeeyay qabtay ayaanu sheegnaa waxaanu qabanay ayaanu sheegnaa, markaad Inkirayso ee aad leedahay Xukumaddu waxba may qaban,markaad leedahay Madaxweynuhu dalka ma xukumo ee aad beenta sheegayso, ka daa beenta dadka ayaan ku leeyahay, Madaxweynaha ayaa dalka xukuma isagaa cida uu doono bedale cida uu doonana Magacaaba”

Madasha Wasiir Samaale ku Dhaliilay Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Boobe ayaan wax hadal ah laga siin Mr Boobe oo munaasibada ku sugnaa arintaasi oo guux ka dhalisay Martidii madasha fadhiday.