“Dadka Buuqa Iyo Qaylada Wada Yaynaan Dhegaysan,Dadka Waddaninimada Xun Yaynaan Dhegaysan”

0
526

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa dhallinyada u soo jeediyay inaanay dhagaysan dad uu sheegay inay iska horkeenayaan umadda.

Madaxweyne Siilaanyo, oo shalay hadal ka jeediyay furitaanka aqalka cusub ee SONYO, ayaa wuxuu yidhi  “Waxaan leeyahay Illaahay garabkiina ha galo, horumar weyn aan samayno, dalka iyo dadkaba aan u dedaalno, halkaas aan hore uga talaabsano,dadka iyo umadda aan u shaqayno, Dadka buuqa iyo qaylada wada yaynaan dhegaysan,dadka waddaninimada xun yaynaan dhegaysan, dadka umadda iska horkeenaya yaynaan dhegaysan, idinkaa dhalinyaradii ah, idinkaa Mustaqbalkii dalka ah waa inaad mar walba horkacdaan oo hormuud ka noqotaan wixii horumarinaya mustaqbalkiina iyo Aayihiina iyo ka dalka intaba.”

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay masuuliyiinta SONYO iyo xubno wasiiro ah.