Wasiir Sacad Oo U Xog-waramay Guddi Hoosaad Ka Tirsan Aqalka Golaha Guurtida

0
733

sacadHargaysa( Geeska )- Wasiirka wasaarada qorshaynta Qaranka  Dr.Sacad Cali Shire , ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay guddida  arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah  ee Golaha Guurtida.

Kulankan oo ka dhacay xarunta golaha guurtida ayuu wasiirku  warbaxin kaga siiyay guddida arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ee Golaha Guurtida  shaqada wasaarada qorshaynta iyo qorshayaasha ku soo kordhay wasaaradaas.

Guddoomiyaha guddida arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ee Golaha Guurtida Sahal   Iidle Dirir,ayaa warbaahinta u sheegay  markii kulanku dhamaaday in ay wasiirka ka wareysteen  siyaasada xukuumada ee horumarinta,iyada oo warbixin dhamaystiran dhawaan loo gudbin doono  Golaha “ Waxa uu wasiirku na siiyay warbixin aad iyo aad u dheer  oo qiimo badan  oo taabanaysa  ama koobsanaysa Somaliland oo dhan  , anaguna waxa aanu nahay guddida Golaha uga wakiilka ah , markaa warbixintaa wasiirka anana waxa aanu u gudbin doonaa  Golaha” ayuu yidhi xildhibaan Sahal Iidle.

Wasiirka qorshaynta qaranka Dr.Sacad Cali Shire oo isaguna dhankiisa hadal kooban kulankaas kadib warbaahinta siiyay ayaa yidhi “Waxaan guddida siiyey warbixin kooban oo laba geesood ah, taas oo ay qaybta hore ahayd warbixin ku sabsan wasaaradda qaab dhismeedkeeda hawlaheeda iyo horumarkii aanu samaynay labadii sano ee u dambeeyey, waxaanay qaybta kale ahayd guud ahaan xaalada ka taagan wadanka, dhibaatooyinka ina hor taagan iyo waxyaabaha aynu u baahanahay in aynu iska kaashano ama wax uga qaban lahayd, guddiduna su’aalo way iga waydiisay arrimahaas ku saabsan, talooyina way ka soo jeediyeen, waanu tix galin doonaa talooyinkaas”