Wasiir Sacad Oo Sheegay In Heshiiska Free Zone Ka Ee DP World Aanu Rasmi Ahayn, Waxa Uu Kaga Duwan Yahay Kii Dekedda Iyo Goorta La Bilaabayo Saldhiggii Milateriga

29
2906

Hargeysa (Geeska)- Waraysi gaar ah oo uu Geeska Afrika la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa uu wasiirku kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin sida ay u dhacday in xukuumadda oo maalmo u hadheen ay heshiiskii Soonka ganacsiga xorta ah ee dhowaan ay xukuumaddu la gashay shirkadda DP World, saldhigga ee Berbera imaaraadku ka samaysanayo, kala duwanaanshiyaha siyaasadda arrimaha dibadda ee xukuumaddan uu ka tirsan yahay iyo tii madaxweyen Rayaale iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Ugu horreyn wasiirka oo ka hadlayey arrimaha Soonka xorta ah ee ganacsiga ayaa sheegay in uu ka kooban yahay kooban yahay saddex km iyo badh dhinaca ah iyo saddex km iyo badh dhinaca kale ah. isaga oo sheegay in la doonayo in uu la mid noqdo Soonka Xorta ah ee dekedda Jabal Cali, ayaa uu rajeeyey in ay shirkado badani yimaaddaan shaqo badani ka abuuranto.

Wasiir Sacad oo ka warramayey sida uu noqonayo heshiiskan ay xukuumaddiisu saxeexday maalmo yar uun ka hor dhammaadka muddo xileedkeeda ayaa ku jawaabay, “Heshiiskii kama dambaysta ahaa wali maanu saxeexin, waxaanu u yaala Dawladda dambe, oo saxeexi doonta,  kani waa heshiis hor dhac ah, laakiin heshiiska rasmiga ahi waa ka dambe”

Isaga oo wasiir Sacad sharraxaya waxa ay ku kala duwan yihiin heshiiskan hadda uu saxeexay iyo kii hore ee dekedda ayaa waxa uu yidhi, “Heshiiska aynu la galnay DP World laba qaybood ayuu ahaa, qaybi wey dhammaatay, qayb ayaa hadda hordhaceedii aanu soo saxeexnay, waana heshiis hor dhac ah”

Dhinaca kale wasiir Sacad waxa uu sheegay in ay socoto hawshii saldhigga milateri ee Imaaraadku ka samaysanayey Berbera. Isla markaana uu rajaynayo in labadii mashruuc ee ku lammaanaa oo ahaa jidka iyo gegida diyaaradaha dhaqso loo bilaabi doono sannadka dambe.

Wasiir Sacad oo la weydiiyey waxa uu ka qabo doodda ah in wasaaradda uu wasiirka ka yahay shaqadeeda arrimaha dibaddu ka liidato sidii ay ahayd xilligii madaxweyen Rayaale waxa uu ku jawaabay, “Xukuumad kasta oo dalka soo martay mid waliba waxbay qabatay, balse tan iyo intii aan anigu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, labadii sanno ee u dambeeyey, Wakiilo badan baynu caalamka ku yeelanay, oo aynu ku darsanay Wakiiladeenii hore, Xafiisyo badana weynu furanay, oo ilaa sagaal Xafiis baynu furanay, oo Caalamka hareerihiisa ah, oo waxaynu ka furanay Xafiisyada Kenya,Itoobiya, Jabuuti, Imaraadka, Sucuudiga, Chine, Sweden, Ingiriiska, Mareykanka, waxa kale oo aynu Caalamka ku leenahay 24 Wakiil, markaas Madax iyo Wufuud badan oo ka socota Caalamkuna dalkeena wey yimaadeen, oo wey ka marag kaceen wax qabadkeena iyo horumarka aynu gaadhnay.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo uu Geeska Afrika wax ka weydiiyey safarkii maalinta qaatay ee uu madaxweyne Siilaanyo ku tegey dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay ahayd booqasho saaxiibtinimo, waxa aana hadalkiisa ka mid ahaa, “Safarkani Madaxweynaha ee Itoobiya, waxa ku wehelinaya aniga iyo Marwadiisa, socdaalkana waa socdaal saaxibtinimo, dalkana Itoobiyana waa dal, aynu jaar nahay, oo xidhiidh qoto dheer inaga dhexeeyo”

Wasiirka oo wax laga weydiiyey xaaladda dhaqaale ee dalka, gaar ahaan sicir bararka oo xukuumaddiisu aanay waxba ka qaban, ayaa tiriyey sababo ay ka mid yihiin xidhista xoolaha iyo isticmaalka adeegga ZAAD oo qaadashadii lacagta Somaliland yareeyey, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi,  “Sicir bararka waxa keena marka  lacagteena la qaadan waayo,Doolarkuna yarado, lacagta Doolarkuna uu inaga yaraaday, waayo Xoolihii aynu dhoofin jirnay baa inaga xidhan, lacagtii Somaliland qaadashadeedii wey yaraatay, waatan Zaadka la isticmaalo, markaas waxaynu u baahan nahay inaynu lacagteenana qaadano, wax soo saarkeenana badino, oo aynu ka maarano baahida aynu u qabno Doolarka, waxna dhoofino, marka intaas la isku geeyo lacagteenu qiimo ayey yeelanaysa, laakiiin Xukuumad sabab u ah sicir bararka ma jirto”

Ugu dambayntiina waxa uu baaq u diray dadweynaha Somaliland ee maalinta isniinta ee foodda innagu soo haysa u dareeri doona doorashada madaxtinimada ee Somaliland, waxa aanu yidhim, “Wakhtigan xaadirka ah ee aynu joogno, Suldaan, Wadaad, Sheekh, Shariif, Aqoonyahan, yar iyo weyn, Rag iyo Dumar waxaynu u baahan nahay, inaynu ka shaqeeyno Nabada, midnimada iyo sidii aynu u gali lahayn Doorasho xora oo xalaal ah, markaas arinta ugu weyn ee ina hor yaala, ee cid walba hor yaala waa Doorashada, oo si fiican inoogu qabsoonta”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here