Wasiir Sacad Oo Ku Baaqay In La Taageero Heshiiska Dawladda Iyo Khaatumo

0
657

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa shacabiga Somaliland ugu baaqay inay taageeraan heshiiska ay wadagaadheen Khaatumo.

Waxa uu wasiir Sacad Sheegay inay jiraan dad ka horyimi heshiiskan isaga oo ku tilmaamay mid dadka oo dhan u ah khayr iyo wada noolaansho ah, waxa uu sidan ka sheegay wasiirku kulan lagu casuumay kooxda Khaatumo oo Hargeysa ka dhacay, waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi"Cali Khaliif waxa uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee qayb ka qaatay waxbarashadayda sanadada idiin sheegi maayo laakiin bari hore markaan ka baxay dugsi sare ayaa anaga iyo dhalinyaro kale ayuu noo diray dalka Cuba si aanu ugu soo barano cilmiga beeraha, markaas aniga xushmad gaar ah ayuu iga mudan yahay. dhawr casho ka hor go'aan ayaynu qaadanay oo heshiis ayaynu galnay uu Alle SWT raali ka yahay, waayo wanaag ayaynu dhaafsanay xumaan, nabad ayaynu ka qaadnay colaad,wada jir ayaynu ka dooranay kala jir, horumar ayaynu ka dooranay  dib u dhac, waa wax wanaagsan oo Alle raali ka yahay, waxa aan halkan uga baaqay dadka oo dhan mid gudo jooga iyo mid dibad joogaba dadka reer Somaliland iyo dadka muslimiinta ahba inay go'aankaas taageeraan, wax kasta oo wanaagsan cid caarida lama waayo, waa layna caaridayaa oo waa layna qodqodayaa xumaan ayaa laga raadinayaa waxa laynaga rabaa inaan u dhabar adaygno, shicibkana waxaynu ka rajaynaynaa inuu inagu taageero had iyo jeer wanaaga iyo xumaanta wanaaga ayaa guulaysta, wakhti ayuunbaa laga yaabaa in ay qaadato."