Wasiir Maxamed Biixi Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax

0
568

Picture7Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Md. Maxamed Biixi Yoonis ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax xisbiga KULMIYE ka dhex tartami doona marka la gaadho shirka golaha dhexe ee xisbiga oo qabsoomi doona 10 November, 2015.

Wasiir Maxamed oo habeen hore dadweyne reer Somaliland ah kulan kula yeeshay magaalada London ee dalka Ingiriiska, wuxuu sheegay inuu ergada golaha dhexe u soo bandhigi doono damaca uu ku doonayo in loo doorto musharaxa madaxweyne ee xisbiga u meteli doona doorashooyinka 2017. "Diyaar ayaan u ahay doorasho xor oo xallaal ah, diyaar baan u ahay oo waan soo dhawaynaya in  si dimuqraadi ah oo xallaal ah loo tartamo, waxay sharaf iyo karaamo u tahay Somaliland, waxay sharaf iyo wanaag u tahay dimuqraadiyadeena iyo horumarkeena, waxay tusaale u noqon doonta siyaasadda xisbiyada badan oo sunahoodu yahay in dhexdooda lagu tartamo" ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiir Maxamed Bixii wuxuu ka sheekeeyay shaqooyinkii kala duwanaa ee uu ka soo qabtay Qaramada Midoobay, isagoo sidoo kalena ka waramay muddo badan oo uu macalin ka soo noqday magaalooyinka Somaliland, sida Hargeysa, Baligubadle, Salaxley iyo meelo kale. Wuxuu sheegay in mudadii uu joogay wasaaradda khaarajiga uu xoojiyay siyaasadda dibadda Somnaliland.

Waa markii u horaysay ee uu wasiirka arrimaha dibaddu si rasmi ah u xaqiijiyo inuu yahay musharax madaxweyne oo xisbiga KULMIYE ka dhex tarami doona. Waxa kale oo iyaguna damacooda tartanka KULMIYE cadeeyay guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale.