Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibada Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegay Xilkii Loo Magacaabay

2
770

Wasiir Mawliid 2Hargeysa(Geeska)-Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Md. Mawliid Maxamuud Ibrahim, ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay xilkii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo toddobaadkan u magacaabay.

Munaasibad lagu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda, ayaa waxa wasiir ku xigeenka xilka ku wareejiyay wasiirka arrimaha dibadda Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar, maadaama oo uu wasiir ku xigeenkii hore Md. Maxamed Yoonis Cawaale, hawlo caafimaad ugu maqanyahay dalka dibadiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda oo munaasibadaas hadal kooban ka jeediyay, ayaa wuxuu wasiir ku xigeenka cusub ku soo dhaweeyay wasaaradaas, isagoo ka xog waramay shaqada wasaaradda iyo qaybaheeda kala duwan.

Wasiir ku xigeenka cusub Md. Mawlid Maxamuud Ibrahim (Mawlid Maxamud Karaani), oo ah aqoonyahan islamarkaana ahaa  bare sare oo ka tirsan jaamacadda Hargeysa, oo isna halkaas hadalo kooban ka jeediyay, ayaa wuxuu sheegay inuu si hufan u gudan doono shaqada uu Madaxweynuhu umadda ugu dhiibay, waxaanu ka waramay qorshayaashiisa u dejisan iyo sida ay uga go’antahay inuu shaqadaas ka soo baxo, isagoo Alle ka baryay inuu xilkaas u fududeeyo.

Comments are closed.