Wararkii U Dambeeyey Ee Colaadda Ka Alsoosan Gaashaamo, Ciidaamada Liyuu Booliska Oo Weerar Soo Qaaday iyo Suldaanka Habayroois Oo Ka Hadlay

3
814

GAASHAMOHargeysa(Geeska)-Xaalad colaadeed oo dhiilo leh ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Gaashaamo ee dhulka is maamulka Somalida Itoobiya, ka dib markii uu tuulada Raqda dagaal ku dhex maray dadka deegaanka iyo ciidamada Liyuu Booliska oo soo weeraray.

Ciidamadaas Liyuu Booliska ayaa waxa ay si badheedh ah u toogteen nin ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabi jiray Marxuum Farxaan Cali Goohe , waxaana falkaas ka cadhooday dadka deegaanka oo ciidamadaas Liyuu Booliska kaga dabay tagay duleedka magaalada ka dibna ka dilay sideed ka mid ah tobankii askari ee ay ka koobnaayeen, waxaana falkaas ka cadhooday kooxda maleeshiyaadka Liyuu Booliska oo dalbaday gurmad ciidan oo xoog badan, waxaanay subaxnimadii hore ee shalay ku waaberiisteen deegaanadaas, waxaanay gubeen shan tuulo oo kala ah Galka-boodo-libaax, Dhoobo guduud, Raqda iyo Cadaada, iyagoo islamarkaana toogtay cid kasta oo ay deegaanadaas ku arkan. Suldaan Maxamed Xirsi Qani, oo ka mid ah salaadiinta Beelaah Habaryoonis, oo shalay Hargeysa ku qabtay shir saxaafadeed ayaa wuxuu cambaareeyay dagaalkaas iyo ciidamada Liyuu Booliska. Isagoo Suldaanku ka hadlaya dagaalkas, wuxuu yidhi “Sida warku nagu soo gaadhay shalay [doraad] ayaa tuulada la yidhaahdo Raqda ay ciidamada Liyuu Boolisku ku dileen nin la odhan jiray Farxaan Cali Goohe, dadka shacabka ahina dhibaato ayay ka tirsanayeen askarta Liyuu booliska, dilkaasina  mid fool xun ayuu ahaa oo nin ayay Magaaladda dhexdeeda isaga toogteen. Markaas ka dib ayay dadkii shacabka ahaa is-abaabuleen, nimankii Liyuu booliska oo xagga bari u lugeeyay ayay ka daba tageen dadkii, waxayna ku gaadheen meel kayn ah oo la yidhaahdo Xabaale Case, halkaa waxa ku geeriyooday 8 nin oo liyuu booliska ah iyo nin shacabka ah, saddex shacabka ahina way ku dhaawacmeen, dhaawiciina halkan (Hargeysa) ayaa loo soo qaaday.”

Suldaanku, isagoo ka hadlaya waxyaabihii shalay dhacay wuxuu idhi  “Saaka [shalay] waxa la noo sheegay in Liyuu boolisku ay afar tuulo oo la kala yidhaahdo Galka-boodo-libaax, Dhoobo guduud, Raqda iyo Cadaada weerar ku soo qaadeen, wararkuna waxay sheegayaan in tuulada Cadaada la gubay oo Liyuu boolisku gubay, waxaana la sheegay in 15 nin oo dhaawac ah halkaasi laga soo qaaday shacabkuna ay aad isku abaabuleen.”

Dhaawicii dagaaladaas ee dhinaca dadka shacabka ah, ayaa waxa afar ka mid ah la keenay magaalada Hargeysa oo lagu dawaynayo.

Wararkii u dambeeyay ee deegaanadaas naga soo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan inay dadka deegaanku ku jiraan is abaabul ka dib markii ay ciidamada Liyuu Boolisku gurmad xoog badan ku yimaadeen deegaanka Gaashaamo iyagoo doonaya inay dagaal ku qaadaan dadkaas shacabka ah ee aan hubaysanayn ee xoolo dhaqatada ah.

Comments are closed.