Wasiir Khaliil Oo Digniin Culus U Diray Dadka Bisha Ramadaan Xaaraanta Kariya

0
583

diinta iyo awHargaysa( Geeska )- Wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa ku baaqay in la xurmeeyo bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaanu digniin u diray dadka iyagu bishan caadaysta inay wax kariyaan maalintii oo uu sheegay in xabsiga loo taxaabi doono inta bisha ramadaanka dhamaaanayso.

Sida oo kale waxa uu wasiir Khaliil sheegay inay guud ahaan masaajidada dalka u qaybiyeen wakhtiga eedaanka loogana baahan yahay inay isku mar eedaaman si aanay dadku ugu wareeerin eedamada iska soo dabadhacaaya.

Waxa uu sidan wasiirku ka sheegay kulankii labaad ee uu shalay la qaatay culimada iyo mu’adimiinta misaajidada magaalada Hargaysa. Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Xarunta wasaarada diinta iyo awqaafta waxaan ku qabanay kulankii labaad ee aan u qabano culimada magaaladda Hargaysa, gaar ahaan mu’adimiinta masaajidada, maadaama oo aan ku jirno bishii fadliga lahayd ee ramadaan oo loo baahanyahay in axkaamteeda in dadku wada bartaan oo ogaadaan culimaduna waajibkii ilaahay saaray ay ka gaystaan. Waxaanu ka wada shiraynay sidii aanu bisha ramadaan u wada xurmayn lahayn, sidii aan dadka axkaamteeda ugu sheegi lahayn, sidii aanu eedamada oo bisha ramamadaan aad muhiim u ah u midayn lahayn, waayo waxa ku xidhin xidhashadii soonka iyo afurkeediiba, maadama ay taasi ku xidhan tahay waa in si mucayina isku wakhti loo adimo, waxaanan halkan ugu qaybinay masaajidada jadwal bisha ramadaan dhamaanteed uu wakhtigeedu ku qoran yahay.” Ayaa uu yidhi wasiir Khaliil waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata uu yidhi “Waxa kale oo aan culimada kawada hadalnay in bisha ramadaan xurmadeeda in la ilaaliyo oo dadka xaaranta karinaaya ee caadaystay oo horena wasaaradu uga shaqayn jirtay in imikana iyada oo kaashanaysa gudiyada wanaag farista, wasaarada arimaha gudaha iyo ciidamada booliskaba  wax ay ka qabto, waxaana dhici jiray in la xidho qofka falkaas lagu qabto maantana halkii uunba laga bilaabayaa, oo ninku haddii isagu uu wax karkariyo oo uu dadka u keeno danbigiisa waa lagu qaadi doona, tii uu qarankan ka galay iyo tii ilaahay umadda muslimka ah kagalay labadaba.”

Waxa uu hadalkiisa wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ku soo gunaanday sidan “Qofka xaarun lagu qabto bisha ramadaan kawdeeda, bisha  ramadaan oo dhan waa uu xidhnaanayaa, sida shaydaanka ayaa soddanka bisha la sii daynayaa, waxaan ka codsanayaa saxaafadana  inay dadka nagula baraarujiso waajibkaas.”