Burco: Olole La Iska Kaashaday Oo Lagu Bananayo Dhulkii Madaarka

0
567

duulista5Burco(Geeska)-Wasiirka wasaarada Duulista  hawada Md. Maxmuud Xaashi Cabdi iyo wafti uu huggaaminaayay oo iskugu jiray wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan golaha baarlamaanka Somaliland ayaa shalay Gagida Diyaaradaha ee Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ka Bilaabay Olole balaadhan oo lagaga rarayo dad si sharci-daro ah u degay garoonka weyn ee Burco iyo agagaarkiisa .

Garoonka weyn ee magaalada  Burco  mudo Afar sano ku dhaw xidhnaa ayay shalay ciidamo xoogan oo iskugu jira SPU, RRU ,Booliska gobolka Togdheer iyo milatari la dhigay madaarkaasi  xoog lagag raray  qaybo ka mid ah dad shicib ah oo ku habsaday dhulkii madaarkaasi lahaa ,kuwaasi oo caqabad ku noqday shaqooyinkii madaarkaasi umada u fulinjiray " Waxaanu shaqadeedii bilawnay in aanu calaamadino Xuduudaha Dhuleed ee Madaarka Magaalada Burco leeyahay,Madaarkanina maaha dhul Cusub oo iminka la yagleelayo waa mid soo jireen ah waa madaarka ugu guunsanaa madaarada Somaliland ee dawladii ingiriisku dhistay,Dhulkan maanta la dhistay ee la Boobay ee la bililaqaystay waa dhulkiisii.Waxaanan leeyahay reer Burco ma suuroobayso in  dhulkii madaarkana la Baloodhaysato madaarna uu noqdo tasi ma aqbalidoono  " Sidaasi waxa yidhi wasiirka Duulista hawadda oo shir jaraa'id oo ay Burco ku qabteen warbaahinta ugu waramay, waxaanu intaas raaciyay "Madaarkan xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa ka go,an inay dhisto oo ay kor u soo qaado dhaqaalaha magaalada , waana mid laf dhabar u ah umada reer Somaliland ka Gobolka iy Gobolada Barigaba,waxanan u sheegayaa dadka halkan quud daraynayaa ee halkan dhul ka eegaya waxaan u cadaynayaa in madaar la rarayaa aanu jirin wax wasaarada u qorshaysana maaha ee waxaan leeyahay nala shaqeeya,intii hore waxaanu mashquul ku ahayn labada Madaar ee waaweyn  ee Hargaysa iyo Berbera kumanaanu khaldanayn ee waanu saxnayn kanina maantuu bilawday Banyntaas la baneeyay waxa ku xigaya dayr lagu sameeyo in la kabiso marba wixii loo helo ilaa uu ka noqdo garoon Calamiya oo aanu sibidh ku samayno.

Wasiirku waxa kale oo uu ku adkaysay in uu Dhamaan dadka madaarka ku xeeran oo dhan uu wada rari doono isaga oo farta ku fiiqaya Binooyin iyo daaro waawayn oo ku jira sadexda Boqol ee mitir ee madaarku leeyahay .

Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud Md. Cali Cabdi Saa’iq, Badhassabka Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir,Maayirka Burco Maxamud Axmed Xasan,Xildhibaan Waabeeyo iyo Xildhibaan Cali Mareexaan oo iyaguna ka mid ahaa masuuliyiintii shirkaasi jaraa'id ka hadlay  ayaa dawynaha reer Burco ugu baaqay inay baneeyaan Dhulka Madaarkaasi leeyahay  si looga bilaabo hawlihiisa shaqo.