Faransiiska Oo Cadeeyey In La Gaadhay Wakhtigii Assad Tegi Lahaa, Mucaradkana Ugu Baaqay Midnimo

0
563

asadBeirut (AP)-Mucaaradka Syria ayaa guulo gaadhaya, isla markaana jiidhay Aleppo, oo ahayd goobaha ugu taageerada badan yahay Madaxweyne Bashaar Assad, muddadii 17-ka bilood ee dagaalku socday.

Mucaaradka ayaa la sheegay inay xadkii saddexaad qabsadeen, kii labaad ee dhinaca Ciraaq, oo tusaale u ah sida awoodii rajiimka Syria u gilgilanayso. "Waxa jiray qaraxyo iyo xabado aan kala joogsan muddo saacado ah,” ayuu Maxamed siciid oo Aleppo degan u sheegay AP. "Kacdoonku waxuu aakhirkii gaadhay  Aleppo."

Magaaladan ayaa gebi ahaanba ay degenaayeen taageerayaasha Assad, isla markaana aanay hore wax dagaalo uga dhicin sida magaalooyinka kale.

Mucaardka ayaa qabsaday xuduudka Syriya la wadaagto Ciraaq magaalada  Rabiya, 520 kilometer ka xigta Baqdaad, sida Atheel al-Nujaifi, badhasaabka gobolka Ciraaq ee Ninevah xaqiijiyey.

Wasiirka Arrimaha dibedda Faransiiska, Laurent Fabius ayaa uga digay Asad inuu tegitaankiisa diyaarsado."Xukuumada Bashar Assad waxa dhaleeceeyey shacabkiisa, oo muujiyey geesinimo weyn," ayuu Fabius sheegay. "Waxa la gaadhay wakhtigii isbedelka, iyo maalmahii ka danbeeyey."

Waxuu sidoo kale ku booriyey mucaaradka, oo qeybo kala duwan u qeybsan inay midoobaan. "Waa wakhtigii mucaaradku u kici lahaa xasilinta dalka," ayuu yidhi. "Waxaan sugaynaa warar degdeg ah oo ku saabsan maamul-ku-meel gaadh ah oo metelaya qeybhaa kala duwan ee shacabka Syria."

Buuro xashiish ah ayaa ka samaysmay meelo kala duwan oo magaalada caasimada ka tirsan. "Xaaladu way kacsan tahay, dadku waxay ka  baqanayaan waxa dhici doona," ayuu qof telefoon ku hadlay sheegay. "Dad bada ayaa weli gudaha aqaladooda ku jira."

Dagaalada caasimada Damascus ayaa keentay in kumanaan shacabkii magaaladu ku qulqulayaan dalalka jaarka ee Lubnaan iyo Ciraaq.

Saraakiisha ciraaq ayaa sheegay in ugu yaraan kun muwaadiniintoda ka dhoofeen Syria."Diyaarado ayaa sugaya rakaabka Ciraaq, laakiin waxoogaa ayaa soo gaadhay garoonka Damascus."

Sabtidii, xoghayaha Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon ayaa sheegay inuu sarkaalka ciidamada nabad-ilaalinta UN, chief Herve Ladsous u diri doono Syria si uu xaalada u soo qiimeeyo.