Wasiir Ka Socda Wadanka Denmark Oo Shalay Hargeysa Yimid

0
587

Picture5Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay gelinkii dambe magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland soo gaadhay wefti uu hoggaaminayo wasiirka ganacsiga iyo horumarinta caalamiga ah ee dalka Denmarka Mr. Mogens Jensen.

Wasiirkan Danishka ah oo gelinkii hore ee shalay soo maray magaalada Muqdisho ee wadanka Somaliya, ayaa waxa madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis. Maxamed Biixi ayaa si kooban u sheegay in weftigani ay maanta kulan la yeelan doonaan Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaanu intaas raaciyay inuu faahfaahino dheeraad ah bixin doono maanta.

Weftiga wasiirka Denmark waxa ka mid ah ganacsato u dhalatay wadankaas, waxaanu wasiirkani sidoo kale soo maray wadamada Bariga Afrika qaarkood sida Kenya.