Dadweynaha Xaafadda Siinay Oo Ka Argagaxay Wiil Saddex Jir Ah Oo Maydkiisa Meel Buundo Ah La Soo Dhigay

0
789

Picture6
Muuqaalka wiilka yar ee meydka ah
Hargeysa (Geeska)-Wiil yar oo Saddex ilaa Afar jir  ah ayaa Subaxnimadii Shalay Maydkiisa laga helay Buundada u dhexeeysa Xaafadaha Siinay iyo Half London ee magaalada Hargeysa.

Maydka Wiilkan yar oo meelo ka mid ah Jidhkiisa ay ka muuqdeen Nabaro, sida Dhuunta oo laga dooliyey iyo Nabaro kaga yaala Kelyaha, ayaa waxa ugu dambayntii  Maydkii Wiilkan yar qaaday Ciidamada Booliska.

Ilmahan yar ee Maydkiisa la soo dhigay Xaafadaas ayaanay ilaa hadda caddeyn in Wiilkan yar la dilay, inuu daad soo qaaday iyo inuu si kale u dhintay.

Dadweynaha xaafadaas degen ayaa si weyn uga argagaxay maydka wiilkaas yar ee sabiga ah ee la soo dhigay goobta dooxa ah.

Dhinaca kale mid ka mid ah dadkii  ugu horeeyey ee Maydka Wiilkan yar arkay oo nooga waramaya sidii uu Wiilkan yar Maydkiisa uu ku arkay ayaa yidhi“Aniga oo maraya meel u dhaw Buundada Siinay, ayaa waxa aan arkay Caruur yar yar oo argagax ka muuqdo waxayna ii sheegeen inay arkeen Ilma yar oo Mayd ah, kadibna si deg deg ah ayaan u tagnay aniga iyo dadkii I ag marayey goobtii, waxaana halkaas ku aragnay Wiil yar oo aan ku qiyaasay Saddex ilaa Afar jir, Dhuuntuna wey dalooshay, Kelyahana Nabar ayaa kaga yaalay, markaas in Ilmahaas yar la dilay, in Daad soo qaaday midna la garan maayo, markii dambena Booliska ayaanu u sheegnay, si deg deg ah ayeyna meeshii u yimadeen oo ay u qaadeen Maydkii Ilmaha yar”.Wiilan yar Maydkiisa ayaa si kastaba ha u dhintee, waxa uu u muuqdaa inuu maalmo ka hor uu dhintay.