Wasiir Ingiriis Ah Oo Mar Kale Ka Hadlay Sababta Keentay Digniintooda Amniga Somaliland

0
458

 

Picture5London (Geeska)- Xafiiska Barwaaqo-sooranka iyo Dibedda ee Ingiriiska ayaa ka hadlay sababta ay u bedeleen talooyinkii socdaalka ee muwaadiniintoda kuna saabsan Somaliland.

Xildhibaan ka baarlamaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska lana yidhaahdo Stephen Doughty ayaa weydiiyey wasiiru-dawlaha Ingiriiska u qaabilsan dalalka Barwaaqo-sooranka iyo dibedda sababaha waaxdiisu u bedeshay talooyinkii socdaalka ee Somaliland iyo Somaliya 27-kii bishii hore, iyo inuu warbixin ka siiyo.

Mark Simmonds, wasiiru-dawlaha Ingiriiska u qaabilsan dalalka Barwaaqo-sooranka iyo Dibbedaha ayaa sheegay in xafiiskoodu mar walba taloooyin ka bixinayey socdaal lagu tago Soomaliya iyo Somaliland. isbedelka cusubna ku timi ka digista haliso gaar ah oo ku aadan ajaanibka Somaliland jooga. “Xafiiska barwaaqo sooranku mar walbta ku talinayay inaan la tagin Somaliya oo ay Somaliland ku jirto. Cusboonaysiinta u dambaysay ee la soo sarayna waxay jawaab u ahayd khatar gaar ah oo ku waajahan reer galbeedka Somaliland ku sugan.”