Shirkadda SOMTEL Oo Daah-furtay Laba Adeeg Oo Dalka Ku Cusub

0
615

 

somtelHargeysa(Geeska)-Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee Somtel ayaa xaflad balaadhan kaga dhawaaqday daahfurka barnaamij cusub oo la magacbaxay Somtel SMS TO FACEBOOK  iyo VOICE MAIL   kaasi oo wax badan ku soo kordhin doona adeeggyadii hore ee ay shirkaddu dadweynaha horey ugu qabanjrtay.

Furitaankii xafladdaasi waxaa ka hadlay madaxa Iibka iyo suuq-geynta Iid  Muuse Muuxumed waxaanu ka warbixiyey adeegani cusub iyo waxa uu yahay isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxaa hadaladiisii kamid ahaa “maanta waxaanu idiinku yeedhnay hadii aanu nahay shirkadda Somtel oo aad uga barateen inay idiin soo bandhigto adeeggyo hufan laba adeegg oo cusub oo kala ah adeegga SOMTEL SMS TO FACEBOOK” iyo adeegga  VIOCE MAIL.

Mr Iid Muuse Muxumed waxa uu  faah faahin ka bixiyey qaabka ay dadku uga faa’iidaysan karayaan marka ay doonayaan inay isticmaalaan adeeggyadan cusub ee ay shirkaddu maanta soo bandhigtay mar uu arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “adeeggyadan cusub ee aanu maanta soo bandhigayno ee Voice Gmail iyo Somtel SMS to Facebook waxaad isticaali kartaa adiga oo gurigaaga iska jooga waxaanand ka isticmaalikartaa hadba Mobil-ka aad haysato”

 Waxa isna halkaas ka hadlay ku xigeena Marketing-ka Axmed Nuux Siciid Ducaale waxaanu ka warramay adeegani cusub iyo hawlaha uu bulshada u qaban doono isla markaana inay Shirkadda Somtel tahay tii ugu horeysay ee adeegga noocan oo kale ah ka bilawday geeska Africa waxaanu yidhi “adeeyadani cusub ee aanu keenay ama aamu ku soo kordhinay hawlihii aanu horey ugu haynay bushlada waa laba adeegg oo aad  maanta qiimo badan ugu fadhiya dunida gaar ahaan adeega Facebook-ka” ayuu yidhi Mr Nuux. “adiga oo jooga xafiiskaaga ama gurigaaga ayaad qofkale  kula sheekaysan kartaa adiga oo isticmaalaya adeedyadan aanu ku soo kordhinay ee Facebook iyo Voice-gmail. Waxaanan  runtii ku faanaynaa oo sharafweyn noo ah inaanu noqonay shirkadii ugu horeysay ee addggan noocan ookale ah keentay Geeska Africa” ayuu yidhi Axmed Nuux Siciid.

“SMS-Ka aanu saaka umadda u furaynaa waxa oo ka koobanyahay dhawr nooc waxaana kamida in qofka oo meesha uu doonaba hajoogee uu diran karo fafiimihiisa uu doonayo inay gaadhaan saaxiibadiisa iyo inuu facebooka wixii faallo ah ee uu doono oo markiiba soo galinkaro” ayuu yidhi Mr Nuux.kuxigeenka Iibka iyo suuqgeyntu isaga oo sharaxaad ka bixinaya sida ay dadku marka hore barnaamijkaasi Internetka ugala soo bixi karaan waxa uu yidhi “qofku marka uu doonayo inuu barnaamijkaasi isticmaalo waxa uu soo dajinasayaawww.facebook/Somtelforyou” ayuu yidhi Axmed Nuux Siciid Ducaale.

Maareeyahay shirkadda Somtel Cawil Saalax Cabdi oo madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay inay   munaasibaddani tahay tii 2aad ee ay sanadkan gudihiisa ku soo bandhigayaan banraamijyada tayada leh ee ay bulshada u hayso Somtel waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “marka hore waxaan salaamayaa shaqaalaha shirkadda Somtel oo iyagu ahaa maskaxdii ka dambaysay cunrinta barnaamijkani iyo farsamo yaqaanada Shirkadda iyo Saxaafadda qaybaheeda kaladuwan”

Maareeyaha Somtel waxa uu sheegay inay hadba fikradaha cusub ee ka danbeeya keenista adeeggyada Somtel ay ka helaan hadba baahiyaha markaa taagan ee ay macaamiisha Somtel dareemayaan  inay u baahan yihiin “annaga waxa na haga ee aanu fikirkan ka qaadanaa waa hadba baahida markaa taagan ee aanu aragno inay macaamiishayadu u baahan  yihihiin  markii aanu dhinacyo kaladuwan ka eegnayna waxaa noo soo baxday inaanu macaamiishayada u keeno labaan adeegg ee aanu maanta u soo bandhigayno bulshada reer Somaliland gaar ahaan kuwa isticmaala adeegga Somtel ee casriga ah” ayuu yidhi maareeyaha Somtel Cawil Saalax Cabdi.

Mr Cawil Saalax waxa uu sheegay inay tahay Somtel shirkaddii ugu horeysay ee adeegga noocan ah soo gaadhsiisay Geeska Africa kaasi oo waxbadan u sahlayaa inaad hesho fursado farabadan oo aanad ku ekaan midkaliya oo ay network la’aani dabarto inaad hadana helikarto inaad facebook-ka hesho oo aad hadana xidhiidhkii SMS-ka iyo kii Face-booka heli.

Maareeyaha shirkadda Somtel Cawil Saalax Cabdi oo ah nin ku xeeldheer xagga eray bixinta afka Somaliga wuxuu sheegay inuu labadan magac u bedelaan af Somali,  “labdan eray ee VOICE-MAIL IYO SMS waa laba eray oo Ingiriisi ah Somtel ahaana  inta badan annaga oo ka duulla soo celinta luuqadda afkeenii Somaliga ahaa   ee hooyo ee qaaliga ahaa qiimayn wayna siina inaanu Somaliyeyno erayada ku qoran afafka kale ee ajaanibka ah waxaanu u soo garanay laba eray oo ku haboon oo Somali ah” ayuu yidhi Mr Salaalax. “labdaasi eray mid waxaa la yidhaadaa fariin dhaaf oo voice-malku waa fariin dhaaf kan kalana waxaa la yidhaadaa ila soco waayo waad la soconaysaa adiga oo meelkastaba maraya ayaad gali karaysaa facebook-ka markaa waxaa la yidhaadaa ilasoco waxaanan rajaynayaa inay macaamiisha Somtel ka helidoonaan labdan adeegg ee fariin dhaaf [Voice-mail iyo ila soco Facebook] ayuu yidhi maareeyaha Somtel Cawil Saalax Cabdi.