Garsoorka; Si Cadaaladu U Tisqaaddo, Waa In, Qodobada Dastuurka Wax Laga Beddelaa

0
536

 

maxamed xaashiCadaaladdu, waa hoyga nabadda, xasiloonida iyo horumarka. Waxa ay ku taabo-gashaa, Madaxda oo xil kooda si habsami ah u gutta; oo ku Dhaqanta:  Dhaartii KITTAABKA, Dastuurka iyo shaciyada Dalka.    

Xubinta Garsooruhu sida uu dhigayo , Qod. 2-j. Waa in uu leeyahay waayo-aragnimo xirfadeed oo aan ka yarayn isugeyn toban sano; kuna soo shaqeeyey garsoore ama/iyo xeer-ilaaliye ama/iyo qareen ama/iyo macallin jaamacad ka bara sharciga.                                                                               Xaladda Dalku marayo awgeed, waxa haboon, haddii la waayo Qof jagada mid ka mid ah buuxiya, in laga soo ijaarto, dalalka muslimka.

Maxkamaduhu way yar-yihiin, ee waa in la dhiso qaar kale oo la kordhiyo. Habsami socodka cadaaladda, waxa sal u ah, Daryeelka Garsooraha oo la sugo. Baahi weyn buu dadweynuhu u qabaa CADAALADDA. Dhib weynina ay ka haysataa. Waxa haboon in Guddida Cadaaladda dib loo habeeyo. Sida ay hadda tahay, kuma aha taabo-gal. Baahidii iyo xilkeedii midna ma sugna.   

Guddida Cadaaladdu: Qod.107aad; Waa hay’adda hogaamisa maamulka Garsoorka, waxayna ka kooban tahay :

1 Guddoomiyaha  Maxkamadda Sare;

Guddoomiye

  2. Labada Garsoore ee ku xiga dhinaca darajada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare             Xubin        3. Xeer-ilaaliyaha Guud                                                                                                                        xubin 4.Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda                                                                           Xubin 5.Guddoomiyaha  Ha’adda Shaqaalaha 

Xubin  6.Laba Xubnood oo G/Wakiilada, labadii sanndoodba hal mar ka soo doorto dadweynaha             kana kala tirsan aqoon yahannada & ganacsatada  

Xubin                  7. Laba xubnood oo G/Guurtidu labadii sanndooba  ka soo doorato dadweynaha                              hal mar, kana kala tirsan dhaqan-yaqaanada iyo culimada Diinta.                                              Xubin

F.G: Aqoon waxbarasho DIINEED iyo mid KALE ma sheegna. Wax ka beddel Guddida Cadaaladda, waa mid loo baahan yahay. Tusaale; Qofka ka cabanaya, Guddoomiyaha maxkamadda Sare ama labada garsoore  ee darajada ku xiga guddoomiyaha maxkamadda Sare ama xeer-ilaaliyaha guud, oo intuba ka mid ah Guddida Cadaaladda, sida ku cad Qodobkan hoos ku qoran. Yay cabashadooda u gudbin?

Qodo. 99-1. Hay’adaha Garsoorku waxay ka kooban yihiin; Maxkamadaha iyo Xeer-ilaalinta.    1.Sidaa darted ma noqon karaan xubno Guddida Cadaaladda ka mid ah.                                                          2. Sido kale, Agaasimaha  Guud ee W. Cadaaladda  iyo ka Hay’dda shaqaaluhu iyana ma noqon karaan xubno guddida Cadaaladda. Aqoon sharci oo ayna lahayn awgeed.

3. Xubinta Aqoon-yahanka ah, ee G/Waakiiladu soo magacaabaya, waxa haboon in aqoontu tahay mid sharci. 

4. Sidoo kale, Xubinta aqoon-yahanka, ee G/Guurtidu, soo magacaabayaa waxa iyana, haboon in aqoontaasi tahay, mid sharci.

5.Waxa iyana lama huraan ah, in dib  loogu noqdo:- Aqoonta, dhaqanka, Khibradda iyo asluubta Garsoorayaasha, oo inta aan u qalmin xilka, xaqooda la siiyo, oo la sii daayo. Inta aqoon deeraad ah iyo tababar u baahan la siiyo.

 

 ALLAA  MAHAD  LEH

Eng.Maxamed Xaashi Cilmi